
Waxaa “loo badinayaa” in hoggaamiyihii kooxda Taalibaan ee Afganistaan ka dagaalanta, Mullah Akhdar Mansuur, uu duqayn ku dhintay sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay dawladda Maraykanka.
Bentagoonka ayaa sheegay in weerarro duqayn ah oo isku xig-xiga oo lagu bartilmaameedsanayey hoggaamiyaha kooxda Taalibaan uu Maraykanku ka geystay soohdinta fog ee u dhexeysa Afganistaan iyo Bakistaan.
Mullah Akhdar Mansuur ayaa hoggaanka Taalibaan la wareegay sannadkii hore kadib markii ay soo if-baxday dhimashada Mullah Maxammad Cumar.
The post Maraykanka oo sheegay in ay duqayn ku dileen hoggaamiyihii Taalibaanka Afganistaan appeared first on Puntland Post.