Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Liibiya oo qabatay doomo siday 850 Tahriibayaal ah

$
0
0

Ciidamada dalka Liibiya ayaa Sheegay in ay qabtay doomo ay saarnaayeen 850 qof oo tahriibayaal ah, kuwaasoo isku dayayey in ay u tahriibaan Talyaaniga.

Afhayeen u hadlay dawladda Liibiya ayaa sheegay in ay qabteen todobo doomood oo siday dad ka kala yimid dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ku jiraan 79 haween ah oo 11 ka mid ah ay uur leeyihiin.

Doomahaas waxaa laga qabtay meel u dhaw Sabratha oo galbeedka ka xigta magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Liibiya ayaa marin u ah kumannaan muhaajiriin ah oo Yurub taga, In kabadan soddon kun oo muhaajiriin ah ayaa Liibiya ka gudbay oo Talyaaniga gaaray sanadkan oo kali ah.

Waxaa socda dadaal caalami ah oo la doonayo in wax looga qabto qulqulka muhaajiriinta, oo intooda badan ka tagayo wadamada Bariga dhexe iyo Afriga oo ay Soomaaliya ku jirto.

PUNTLAND POST

The post Liibiya oo qabatay doomo siday 850 Tahriibayaal ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>