Warar naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in DF ee Soomaaliya ay arruurinayso Ciidamo Qabiil oo loo ekaysiinayo Xoogaga Al-shabaab , kuwaas oo la doonayo in ay qas iyo jahawareer ka sameeyaan deegaanada Jubbooyinka.
Akhri: Soomaaliya oo ku socota Jidkii 199-dii iyo Rajo darro la shaaciyey December 2012-kii
Akhri: Jidkee ku socotaa DF ee Soomaaliya?? La shaaciyey november 2012-kii

DF oo diyaarinaysa Ciidamo Al-shabaab loo ekeysiiyey , si ay Al-shaabka ugu milmaan oo Jubbooyinka u qasaan !!
Wararkaan ayaa ku jira magaalada Muqdisho, waxaana warkaan uu dibada u soo baxay kaddib markii maalin kahor magaalada Muqdisho uu ka sheegay Wasiirka arrimaha guddaha ee Df ee Soomaaliya C/kariin Guuleed in waanwaan danbe aysan dowlada ka galayn arrimaha deegaanka Jubbooyinka, ayna Talaabo qaadayaan, waxaana hadalkaas loo fasirtay ayna xoojisay hadalyanta ah in dowladu ay hab qabiil iyo maleeshiyo hubaysan oo ka mid ah ciidamada DF ee Soomaaliya ay ku doonayso inay ka howlgelinayaan deegaanadaas si u sameeyaan Qas iyo jahawareer, waxaana arrintaan ay keenaysaa in dib usoo noolayso dagaaladii qabiilka iyo dhulballaarsiga ee Kooxihii USC-da ay ka wadeen koonfurta Soomaaliya sanadihii tegay.
Masuul ka tirsan DF ee Soomaaliya oo Puntlandpost ay arrimahan wax ka weydiisay iyo waxa ka jira ayaa sheegay in dowlada hadda jirta ay wax walba ka suuroobi karto , waana tan in xubno baarlamaanka ka mid ah ay ku doonayaan in arrinkaas ay wax ka qabtaan , maadaama DF ee Soomaaliya ay ku fashilantay ku dhaqanka sharciga Federaalka , isla markaasna qarankii Soomaaliya ay la gashay in ay sii kala fogeyso Qabaa’ilada Soomaaliyeed oo sanadihii u danbeeyey ahaa kuwo isu soo dhowaanayey.
In Ciidamo maleeshiyo ah oo dowlada ka tirsan oo Al-shabaaab loo ekaysiinayo, iyagoo loo xirayo dharka Al-shabaab ayaa aad looga hadal hayaan guddaha magaalada Kismaayo, maaaama soomaalida aysan jirin wax u kala qarsoon , hadalada colaada xanbaarsan ee ka soo yeeraya magaalada Muqdisho ayaan deegaanka Jubbooyinka looga arag wax dhib ah maadaama Ciidamada Jubbooyinka hadda ku sugan lagu qiyaasayo 10.000 Askari inay kor u dhaafayaan , kuwaas oo lagu daray Ciidamada Kenya ee AMISOM ayaa la sheegayaa inaysan waxba u arag ciidamada la sheegayo loo ekaysiinayo kuwa Alshabaab ee ay dowladu ay soo dirayso deegaanada Jubbooyinka.
Sikastaba, shabakada Wararka ee Puntlandpost ayaa hadda kahor maqaal ka qortay hab dhaqanka Dowlada Xasan Sheekh , waxaana Puntlandpost waqtigaas ay ku iftiiminay in dowlada Xasan Sheekh ay Soomaaliya ku celinayo waqtigii 1991-dii , isagoo Madaxweynuhu dadka Soomaaliyeed soo xasuusiyey Sawiro u eg dhacdadii 1991-dii ka dhacday magaalada Muqdisho oo laguna xasuuqay laguna gumaaday boqolala kun oo ka soo jeeda Beesha Daarood oo aan illaa hadda la isweydiin xasuuqaas iyo hantidii iyo Guryahii ay dadkaasi ay la haayeen.
Maalinkii la doortay Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed u arkayeen nin shibil ah oo aqoontiisu xoogaa ay dhisan tahay , lagana sugayey rajooyin wanaagsan inuu abuuro shacabka Soomaaliyeed, Laakiin Safarkiisii ugu horeeyey uu bil kaddib doorashadiisa uu ku tegay Baydhabo iyo Beledweyne ayuu khudbado uu halkaas ka jeediyeey uu ku sheegay in shacabka deegaanadaas ay u madax banaan yihiin Maamulkooda , hal Jubbaland uu sheegay in DF ee Soomaaliya ay usoo magacaabayso Maamul dowlada dhankeeda ka yimi, arrinkaas oo ay ganafka ku dhufteen siyaasiyiinta iyo shacabka ka soo jeeda Deegaanada Jubbooyinka, iyo shacabka soomaaliyeed inta wanaaga jecel.
Hadal haynta ciidamada loo ekeysiinayo Kuwa Al-shabaab oo la doonayo inay ku milmaan Ciidamada Al-shabaab ee ay dowladu ka danbeyso ayaa la sheegayaa in AMISOM-ta Jubbooyinka iyo Ciidamada Jubbaland ay ka warqabaan, waxaana warar sugan ay sheegayaan in Maalmihii la soo dhaafay maleeshiyaad loo soo ekesyiiyey Alshabaab oo hab qabiil loo soo abaabulay oo Muqdisho laga soo diray in lagu duqeeyey goobo ka mid ah deegaanada Jubbooyinka, ciidamadaas oo la doonayey ina khal-khal geliyaan Doorashadii ka dhacday talaadadii guddaha magaalada Kismaayo , taas oo lagu doortay madaxweynaha Jubbaland State iyo Kuxigeenkiisa.
Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ee waqtigan hogaaminayo Xasan Sheekh Culusow ayaa Jidad badan u martay inay fashiliyaan Shirkii Maamul u samaynta Jubbooyinka, lakiin xakabadahaas waxaa looga soo gudbey isku tiirsanaan iyo geesinimo ay sameeyeen shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka kuwada nool.
Shacabka Soomaaliyeed , ayaa 90% isla qirsan in DF ee uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh uu la kici la’yahay maqaamka madaxweyne ee ugu dhaartay shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku dhaartay in shacabka ugu dhaartay Kitaabka Illaahay (SWT) , laakiin Weji kale oo Qabiil ku salaysay banaanka la yimi , waana arrinta ay Xildhibaano badan ay u bilaabeen inay Jahawareer geliyaan isla markaana ay mooshin ka dhana ah dowlada ay ka keenaan Xukuumada.
Waxaana la cadaynayaa in DF ee Soomaaliya ee hadda jirta inay ku jirto niyad jab weyn oo kaga yimi Beesha Caalamka , isla markaana ay sii xoogaysanayso Soomaalida doonaysa in la badbaadiyo dalka soomaaliya iyo dowladnimada , maadaama xukunkii uu gacanta si khalad ah ugu galay nin aan waxba ka aqoon makaanka dowladnimada, isla markaana Lugweyn kusoo yeeshay dagaakii Sokeeye
Puntlandpost.com