Dhuusamareeb(Puntland Post)-Ra”iisul wasaaraha soomaaliya Cumar cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa Maanta lagu wadaa In uu Gaaro Magaalada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobalka Galgaduud oo Fariisin U ah maamulka Ahlu Suna waljameeca.
Socdaalka Ray”iisulwasaaraha ayaa waxaa Ku Wehlin Doonaa Qaar kamid Golahiisa Wasiirada Iyo Xubno Ka socda Urur Gobaleedka IGAD.
Ujeedada Socdaalka Ray”isulwaasaraha ayaa lagu sheegay in Wada Hadalo uu la yeelan Doono Madaxda Maamulka ahlu suna . Amaanka maagaalda dhuusa-mareeb ayaa aad loo adkeeyey iyadoo Wadooyinka Magaalada lagu arkayo Ciidamo Farabadan.
Puntland Post
The post Ra’iisul wasaare Cumar C/srishiid oo maanta Dhuusamareeb laga sugaayo appeared first on Puntland Post.