Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

BARI: Wafdi Ka Socda Urur Siyaasadeedka HORSEED Oo Soo Afmeeray Socdaal ay ku Marayeen Deegaano Hoostaga G/Bari (Sawiro)

$
0
0

Wafdi ka socda golaha dhexe ee urur Siyaasadeedka HORSEED oo uu hogaaminyay Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa socdaal kusoo maray degmooyinka Ufayn,Isku-shuban,Bali-dhidin iyo Carmo oo hoostaga Gobolka Bari.

Xisbiga oo boqanasya gobolka Bari

Xisbiga Horseed  oo boqanaya gobolka Bari

Waxaana wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka amniga ka mid ahaa,Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan,wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland Muuse Geele Yuusuf Farole,guddoomiyaha gobolka Bari ee ururka Horseed iyo saraakiil ka tirsan Laamaha amniga ee Gobolka Bari.

DSC01982Wafdiga oo si wayn loogu soo dhoweeyay deegaanada ay socdaalka kusoo mareen ayaa ujeedada socdaalkoodu ay salka ku haysay in ay dadweynaha la wadaagaan hannaanka loo soo xulayo xubnaha Ururka Horseed u matalaya Doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland,waxaana ay si rasmi ah xariga uga jareen xafiisyada uu Ururku ku leeyahay degmooyinkaasi.

DSC01996 (1)Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay dadweynaha degmooyinka Ufayn,Isku-shuban,Bali-dhidin iyo Carmo ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga gudbo nidaamka Qabiilka oo muddo lagu soo dooranayay Madaxda Puntland,waxaana uu balan qaaday in dowlada Puntland ay wax ka qabanayso baahida ay qabanayso baahiyaha bulsho ee dadweynaha.‘’…Xubnaha u matalaya Ururka HORSEED doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland Boqolkiiba Afartan ayaa dumar noqon doona..’’Ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.

DSC02015Guddoomiyaha gobolka Bari ee ururka Horseed oo ka mid ahaa masuuliyiintii la hadlay dadweynaha ayaa sheegay in shuruudaha lagu qaadanayo qofka isu sharxaya Golayaasha deegaanka Puntland ay ka mid yihiin;-

1-In qofku yahay muwaadin ama muwaadinad reer Puntland ah.

2-In uu leeyahay aqoon Maadi iyo DIINI ah.

3-In uu Saddex Milyan oo Shillin Soomaali ah uu dhigo goob loo cayimi doono iyo arrimo kale.

DSC02058DSC02095Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan iyo wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland Muuse Geele Yuusuf Farole oo la hadlay dadweynaha ayaa sheegay in dowlada Puntland ay horseed u tahay in laga gudbo nidaamka Qabiilka.

Dadweynaha ku dhaqan Degmooyinka ay socdaalka ku tageen wafdiga uu hogaaminayay Khaliif Ciise Mudan ayaa soo dhoweeyay Urur Siyaasadeedka HORSEED,waxaynaha balan qaadeen in ay ka go’an tahay in door wayn ka cayaaraan geedi socodka looga baxayo nidaamka Qabiilka,.

DSC01998Si kastaba ha ahaatee Urur Siyaasadeedka HORSEED ayaa noqonaya ururkii ugu horeeyay ee socdaal ku taga deegaano fog fog oo ka baxsan Laamiga.

Daawo sawiro Badan

DSC02338 DSC02228 DSC02169 DSC02146 DSC02133 DSC02089 DSC02036 DSC02285 DSC02220 DSC02141 DSC02132 DSC02075 DSC02027 DSC02353 DSC02284 DSC02206 DSC02154 DSC02139 DSC02123 DSC02070 DSC02015 DSC02349 DSC02230 DSC02199 DSC02147 DSC02136 DSC02099 DSC02046 DSC01996

 

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>