Milano-(Puntland Post) Kooxda Real Madrid ayaa markeedii 11-aad ku guuleysatey Champions League-ga markii ay rigore 5-3 ku garaaceen kooxda Atletico Madrid kulan xamaasad lahaa oo ka dhacay San Siro.
iyadoo 120kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah ka dib goolal ay kala dhaliyeen Sergio Ramos iyo Yannick Carrasco.
Real oo goolka ku hormartay waxaa daqiiqaddii 15-aad gool u ansixiyey Sergio Ramos oo sidaa rikoodh cusub ku dhigay maaddaama uu noqday daaficii ugu horreeyey ee abid 2 gool ka dhaliya 2 final oo Champions League-ga.
Atleti ayaa isla daqiiqaddii 48-aad ee bilowgii qaybtii labaadba ku sigatay inay soo barbarayso kooxda Real kaddib markii ay heshay gool rigoore ah, waxaaase goolkaasi ka khasaariyey Antoine Greismann.
Daafaca midig Juanfran ayaa rigooradii afaraad ka qasaariyay Atletico Madrid taasoo fursad u siiyay Cristiano Ronaldo inuu guusha u xaqiijiyo Real Madrid isagoo shabaqa dhex dhigay rigooradii guusha.
Waa markii labaad oo Real Madrid ay koobka Champions League gacantooda ka bixiso kooxda Atletico Madrid, waxa ay sidoo kale ka qaadeen sannadii 2014 oo ay isla gaareen finalkii Lisbon. Kabtan Sergio Ramos ayaana kor u qaaday koobka Champions League Xalay.
PUNTLAND POST
The post Kooxda Real Madrid oo markii 11-aad Hanatay Koobka Champions League-ga appeared first on Puntland Post.