Wasaradda waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Dowlada Puntland ayaa soo gaba gabaysay 26/May/2016- Imtixamadkii gobolada puntland oo dhan isagoo Jawi nabdoon ku soo dhamaday.
Wasiirka wasaarada waxbarashada ayaa sheegay in ay Dadaalo farabadn ay Wasaaradu ugu jirataa imatixanka waxuuna u balan qaaday Aradyda inay helayaan deeqo waxbarasho oo kala duwan kuwa ku guulaysata kaalamaha hore.
Wasiirka ayaa sheegay in uu Imtixaanku ka dhacay dhamaan gobalada Puntland sidookale sheegay inay yihiin 90 xarumood oo ku kala yaala deegaanada puntland.
Wasiir- ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iy tacliinta sare ee Puntland ayaa kula dardaarmay muraa qibiinta inay si wanaagsan uga qayb-qaataan imtixaanka isagoona guul u rajeeyey ardayda Imtixaanka u fariisatay.
Dr Maxamed Cali Faarax iyo Abdulqaadir Yuusuf Nuux kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa dhamaan waxay Tageen Goobaha Waxbarashada imtixaanku ka socdo iyagoo u guurgalay xaladaha imtixaanka.
Tirada guud ee Arday Dugsiyda sare ayaa ahayd 3304
wiilal: 2143
gabdho:1161
Tirada guud Ardayda dusiyada dhexe 7813
wiilal 4779
gabdho 30034
sidoo kale waxaa hanbalyo diiran u dirtay Wasaaraddu shaqaalaheda kuwa Gobolada iyo degmooyinka shirkada Golis oo qayb wayn ka qaadatay imtixaankii celiska ahaa ee fasalka 8aad oo ardayda loo daabacay iyadoo deegaanada fog fog ka cawisay imtixaanka copyga iyo layrka.
Dhanka kale, wasiir ku -xigeenka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare Dr. Maxamed Cali Faarax iyo Kormeeraha guud c/Qaadir yuusuf Nuux ayaa kormeeray dugsiga sare ee Al-Ashar ee magaalada Qardho , halkaas oo uu kula kulmay macalimiinta iyo ardayda kala duwan ee waxbarashada ku jira, iyagoo la qaatay kulan wax ku ool ah ee waxbarashada.
PUNTLAND POST
The post Dhamaan Sanaadiiqdii imtixaanaadka Puntland oo si Nabdoon Loogu Soo Celiyay Wasaarada Waxbarashada appeared first on Puntland Post.