Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Iiraan oo sheegtay in muwaadiniinteeda aysan Xajka u dirayn Sanadkan

$
0
0

Dowladda Iiran ayaa shacisay in muwaadiniinteeda ysan sanadkan Xajka u diri doonin. Wasiirka dhaqanka ee dowlada IRAN Cali Jannati ayaa arintaas maanta shaaciyay. Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in xanibaad kaga timid dhanka dowlada Sacuudiga. Muranka labada dowladood ee la xiriira arimaha xajka ee sanadkan ayaa ahaa mid mudooyinkii udanbeeyay soo jiitamayay. Qodobada la isku hayay waxaa ka mid ahaa in muwaadiniinta reer Iiraan fiisooyinka ka goostaan Internetka,in diyaaradaha Sacuudiga iyo Iiraan kala qaybsadaan daabulida xujayda iyo in xujayyda Iiran helaan matalaad diblomaasiyadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Caadil Jubeyr ayaa sheegay in waxyaabihii IRAN doonasay oo dhan loo yeelay hadana ay diiday inay saxiixaan qorshaha Xajka. Dowlada Sacuudiga ayaa ku eedaysay dowlada Iiraan inay siyaasadanayso arimaha Xajka arintaasna aan laga aqbali doonin.

Iiraan iyo Sucuudiga ayaa kala goostay calaaqaadkii diblomaasiyadeed kadib markii wadaad shiica ah oo caan ahaa Sacuudigu dilay kadibna cadhadii ka dhalatay lagu gubay safaaradii Sacuudiga ee Tehraan.

The post Iiraan oo sheegtay in muwaadiniinteeda aysan Xajka u dirayn Sanadkan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>