Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Askar Puntland ah oo wax ku noqotay qarax ka dhacay degaanka Galgala

$
0
0
Sawir Hore: Goob Al-shabab laga qabsaday buuraha Galgala
Sawir Hore: Goob Al-shabab laga qabsaday buuraha Galgala

GALGALA- Cutub ka tirsan ciidamada Puntland ayaa weerar qarax ah lagula eegtay deegaanka Galgala  ee gobolka Bari, wararku waxay sheegayaan in halkaas afar askari oo Puntland ah ku dhaawacmeen.

Ciidamadaan oo u socday dhanka Galgala ayaa laba gaari oo ay leeyihiin qaraxu haleelay sida wararka Puntland Post soo gaaraya ay sheegayaan. Weerarkan waxaa sheegtay kooxda Alshabaab oo in mudo ah halkaas ku lahaa saldhig, inkasta oo awoodooda ciidan ay sii yaraanaysay kadib markii dhowr jeer saldhigaas laga qabsaday.

Weerarkan askartu ku dhaawac matay weli dowladda Puntland kama hadal, lamana garanayo in dhinaca Alshabaab khasaare soo gaaray.

Puuntland Post

The post Askar Puntland ah oo wax ku noqotay qarax ka dhacay degaanka Galgala appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>