Garoowe: (pp)- Shir lagu qabtey xarunta PDRC ee Magaalada Garowe ayaa looga hadlay sidii haweenka ay doorkooda uga qaadan lahaayeen doorashooyinka dowladaha hoose ka dhici doona Puntland bartamaha July2013.
Dhinacyada kasoo qeyb galay shirka ayaa ka kala socdey, Hay,adda PDRC,Gudiga doorashooyinka Puntland, Ururadda Siyaasada Puntland ,UNDP iyo waliba dalada ay ku midaysan yihiin haweenka ku jira gollayaasha deegaanka oo la yiraahdo PWCN.
Cali Faarax Farmayeeri oo ah ku xigeenka Agaasimaha hay,adda PDRC ayaa ka warbixiyey ujeedada kulankooda waxaana uu sheegey in uu la xiriiro sidii loogu gogol xaari lahaa ururada siyaasada qorshe ay uga sameeyaan haweenka doorashooyinka Puntland ka dhacaya ka qeyb galitaankooda.
Abshiro Muuse oo xubin ka ah guddiga doorashooyinka Puntland oo iyana shirka ka hadashey ayaa guul ku tilmaamtay in ururadu ay isla garteen tirada la rabo inay haweenka uga qeyb galaan u tartamida kuraasta goloyaasha deegaanka , taas oo muujineysa ayay tiri abshiro tix galin haweenka ururada siyaasadu siiyeen.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa dhankeeda rajo wanaagsan ka muujisey kaalinta haweenka laga siiyey kuraasta musharaxiinta goloyaasha deegaanka,iyadoona intaas raacisey in wasaarada haweenku dadaal ugu jirto dhiiri galinta haweenka Puntland.
Koen Toonen oo ah Wakiilka UNDP ee Puntland, kana mid ahaa ka qeyb galayaashii shirkan ayaa mar uu hadal goobta kasoo jeediyey waxa uu sheegey in UNDP wado mashaariic kala duwan oo la xiriira Cadaalada,Amaanka iyo Arrimaha bulshada kuwaas oo uu sheegey inay sii wadi doonaan.
Mr Koen waxa uu intaas ku darey in ay u diyaarsan yihiin taageerada UNDP siineyso haweenka sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda la xiriirta Kobcinta iyo Horumarinta kaalinta wadanka ka qaadan karaan.
Gabo gabadii shirka ayaa laga soo saarey qodobo dhowr oo muujinaya go,aamada Ururada siyaasada ee ku aadan kaalinta haweenka, iyadoona qodobadu u qornaayeen sida hoos ku qoran:
1,In Xarumaha gobollada oo ay u tartami doonaan 27-xubnood in 7 ka mid ah ay noqoto haween.
2,In Degmoyinka la magacabay 1991 ka hor oo ay u tartami doonaan 21-xubnood in 6 ka mid ah noqoto haween.
3,In degmooyinka ay magacawday Puntland oo ay u tartamayaan 17-xubnood inay 5 ka mid ah noqdaan haween.
Daawo Sawiro kale.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.