Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dabley hubaysan oo Gabar wariye ah ku diley Magaalada Muqdisho

$
0
0
Allaha u naxariistee Sagal Salaad Cusmaan oo lagu diley Muqdisho
Allaha u naxariisto Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo lagu diley Muqdisho

Muqdisho(Puntland Post)-Waxaa Goordhawayd Koox Hubeysan oo  aan Heebtooda la garaneyn  magaalada muqdisho ku dileen Gabar Wariye ah oo lagu magacaabi jirey sagal Salaad Cusmaan oo Ka tirsaneyd Radio Muqdisho Oo ah idaacada ku Hadasha Afka  Dowlada soomaaliya.

Wariye Sagal ayaa marka la dilayey ku sugnayd Agagaarka Isbitaalka Banaadir Ee magaalada muqdisho.

Ilaa hada ma jirto Cid sheegatay Masuuliyada Dilkaan loo geestay wariye Sagal, walow ay xusid mudan tahay in Dilalka Ka dhaca Muqdisho ee loo geysto shaqaalaha Dawlada ay Sheegtaan Xarakada Alshabaab.

Maahan wariyihii ugu horeeyey oo lagu dilo Magaalada Muqdisho, waxaana muuqata inay Warfidiyeenka Soomaaliyeed bartilmaameed u yihiin kooxaha talada Dalka ku hardamaaya.

Puntland post
Muqdisho

The post Dabley hubaysan oo Gabar wariye ah ku diley Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>