Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay 36 kalana waa ku dhaawacmatay Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray gaari bas ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan booliiska dalka Turkiga,
Dadka dhintay ayaa la sheegay in todobo kamid ah yihiin ciidamada booliiska afarta qof oo kale ay ahaayeen dad shacab ah.
Duqa magaalada Istanbuul Vasip Sahin , ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu ka dhacay degmada Vezneciler, oo kutaala bartamaha magaalada Istanbuul, waxa uuna xaqiijiyay in qaraxaasi ku dhinteen 11-qof oo isugu jira booliis iyo shacab.
Sawirada laga helay goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya burburka baska iyo guryihii ka ag dhawaa oo burbur soo gaadhay.
Ilaa iyo hadana ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaas ka dhacay magaalada Istanbuul.
PUNTLAND POST
The post Qarax 11 Qof ku Dhimatay oo Ka Dhacay magaalada Istanbuul appeared first on Puntland Post.