Bosaso: (pp)- Kulan lagu taageerayo dhismaha Maamulka Jubaland ayaa maanta ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Qeybo badan oo ka tirsan, Nabadoonada, maamulka Gobolka Bari, Haweenka,Siyaasiin iyo Marti sharaf kale ayaa kasoo qeyb galay munaasabadii lagu taageerayey Hogaanka Jubaland.
Xubnihii ka hadley madasha kulanka bosaso ka dhacay ayaa si isku mid ah u taageerey maamulka jubaland gaar ahaan xilka Madaxweyne ee shirkii Kismaayo loogu doortey Shiikh Axmed Madoobe.
Nabadoonada kulanka ka hadley ayaa ku nuux nuuxsadey inay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan maamulka cusub ee Jubaland, iyagoona midaas dabo dhigey inay ku rajo weyn yihiin iskaashi ka mirro dhala oo dhex mara Jubaland iyo Deegaanada kale ee ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed.
Odoyaasha ayaa dhanka kale waxay sheegeen in ay haboon tahay tix galin la siiyo Dastuurka dalka u yaal ee dhigaya ku dhaqanka Federalism-ka , iyagoona uga digey DF inay faro galin ku sameyso.
Gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Galan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay sagaalka degmo ee gobolka Bari in si weyn looga soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Jubaland Axmed Madoobe iyo Ku xigeenkiisa Gen Ismaaciil Fartaag.
Sidoo kale kulanka mid la mid ayaa maanta isna ka dhacay Gobolka Sanaag, waxaana ka qeyb galay bulshada ku nool degmooyinka Gobolkaasi.
Dowlada Puntland ayaa markii la doortey Maamulka cusub ee Jubaland u dirtey hambalyo iyo soo dhaweyn , iyadoona golaha xukuumada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole uu isla maalintii doorashada Jubaland sheegey inay ku faraxsan yihiin natiijadii kasoo baxdey shirkii Kismayo Ergeydu ku doorteen Hogaanka Jubaland.
Daawo Sawiro kale .
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Boosaaso.