Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Boosaaso Soo Gaadhay

$
0
0

Madaxweynaha  Dawllada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 8 june 2016 dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo safar shaqo oo qaatay mudo 4 maalmood ah ugu maqnaa magaalada Abu-dhabi ee xaruntka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynha Iyo weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen garoonka caalamiga ah ee Boosaaso Airport waxaa loo gelbiyey qolka nasashada halkaasi oo uu madaxweynuhu kula hadlay warbaahinta kala duwan.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka warbixiyey safarkii sahqo ee uu ku tagay wadamada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in safarkaasi ku soo gebageboobay guul iyo is afgarad.

“Waxaanu safar shaqo ku tegay Magaalada Abu-dhabi halkaas oo aanu kula kulanay madaxda dalkaasi iyo shirkado shisheeye oo danaynaya inay maalgashadaan Puntland,

kulamadii aan la yeelanay madaxdii aan la kulananay waxay ahaayeen kuwo ku saabsanaa adkaynta amniga, xoojinta xidhiidhka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo UAE iyo kobcinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.” ayuu yidhi Madaxweyne Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugudanbayntii Madaxweynaha Dawllada Puntland ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka, kan degmada, golayaasha Dawladda iyo dadwaynihii kale ee sida diiran usoo dhaweeyey.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

IMG_0700

IMG_0701

IMG_0703

IMG_0704

IMG_0705

IMG_0707

IMG_0708

IMG_0709

IMG_0710

IMG_0711

IMG_0712

IMG_0713

IMG_0714

IMG_0715

IMG_0716

IMG_0717

IMG_0718

IMG_0719

IMG_0720

IMG_0721

IMG_0722

IMG_0724

IMG_0725

IMG_0726
PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Boosaaso Soo Gaadhay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>