Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan (Q-IV)

$
0
0
Xerada Utange Wiil yar oo ka mid ah Qaxootiga oo gacan ka gaysanaya Guri cusub oo qowskoodu dhisanayo, kadib markii uu gubtay gurigoodii, wuxuuna qodayaa ciiddii derbiyada guriga lagu malaasi lahaa, April:1994
Xerada Utange Wiil yar oo ka mid ah Qaxootiga oo gacan ka gaysanaya Guri cusub oo qowskoodu dhisanayo, kadib markii uu gubtay gurigoodii, wuxuuna qodayaa ciiddii derbiyada guriga lagu malaasi lahaa, April:1994

Waxaan qabay dareen iyo cabsi weyn oo ku salaysan arrimaha Soomaaliya sida ay u xumaanayaan, waxaa i deeqi lahayd oo aan jeclaan lahaa qaranimo Soomaaliyeed oo shuruud la’aan iyo fara gelin shisheeye ka madax banaan, waxaa ii muuqday in qabqablayaasha xummaanta ay isu qabaan ay suuro gelin karto ama fudueyn karta khatar kasta oo qaranimmada wax u dhimi karta.

Waxaan aad madax ugu hayay oo aan ka fekerayay walaacna aan ka qabay dowladaha shirka qabanqabinayay ama qabanaya Kenya iyo Itoobiya, waxaan is weydiinayay ilaa intee in la eg bay dib-u- heshiisiinta ay labdaas dal hor kacayaan ay daacad noqon kartaa?!….hadana waxaan isku qanciyaa hadday Soomaalidu heshiinayso yaa ka hor istaagi kara!

Waxaan ka fekeray dalalka kale ee shirka ku xeeran, waa dalal waaweyn, waa warshadleey dal dagan helay oo khayraadkiisa bad iyo beriba daldalanaya, waa kuwo hubka iibiya meelo ay ku tijaabiyaana raba!…..bal adigaba ka feker….maxay nabaddeenna iyo dib u heshiisiinteena ugu xilanayaan? Ma bini aadminimo?!….waxaanse aad ula yaabay qabqablayaasha sida ay hanfadayaal ugu yihiin dadka aajnabiga oo ay durba u halmaamaan colaadda dhex marta iyo iyaga waxa dhex yaala…

Diplomat-kii ayaan wacay maalin ka dib markii uu safarkii uu Muqdisho ku tegay ka soo laabtay, waxaana isugu nimid maqaayad ku dheggenayd dhismaha barlamanka Kenya, waa meel weyn oo nalalkeed aysan iftiin badnayn, markii aan soo galay anigoo himbiriirsanaya buu meel gees ah ii gacan haadiyay markaan is nabaadinay oo aan is waraysanay, buu boorso uu watay wuxuu ka soo baxshay bug weyn iyo waraaqo ay ku sawirantahay khariidadda Soomaaliya, oo inta I soo hor dhigay i yiri.

“Waxaan waa khariidaddii Soomaaliya, waad aragtaa niman aqoonyahanno ah baan kolba nin ku niri khariidadda ku muuji sida beeluhu u kala degaan, marka bal fiiri tee baa kuula saxsan, ma garan kartaana?!” waan fiiriyay, in cabbaar ah baan indhaha ku hayay, waa ilaa 12 khariidadood oo aysan ku jirin mid keliya oo mid kalela mid ah ama u dhow inta aan eegayay khariidadda “khariidadahan waxaa sameeyay dad aqoonyahanna ah oo aan waliba ku soo xulnay inay yihiin dad xil-kas oo waliba aan ugu xilanay daacadnimo.” Oo inta boorsadiisii gacanta geshay ka soo saaray khariidad kale oo yiri ” midaan waa tii uu gumeysiga sameeyay in kastoo aysan beelo ku qornayn, laakiin waxaa ku cad xudduudaha gobollada.

“Oo inta in aamusay hadana yiri ” haddii dadkii aqoonta sidaas u dhaqmayaan, marka kuwa kale maxay danbi ah oo ay leeyihiin?” amigo yaabban, runtiina ka xun waxa aan arkay baan hadana waxaan fahmi waayay waxa dadkan aajnabiga ay u raadinayaan deegaannada beelaha iyo xudduudahooda, markaasaan weydiiyay “Maxay tahay ujeeddada khariidadahan laga leeyahay , annaga dhul iskuma haysano Soomaaliduna waa dad isku mid ah, marka ma la dhihi waa qorshe guumeyste wato waxaa?” markuu ii jawaabi waayay baan hadana ku ceshay ”

waad igu raacsantahay sow ma aha, waa qorshe Guumeysi, miyeeysan kula ahayn?”.

Markaan su’aashaas weydiiyay buu inta miiskii dharbaaxay yiri ” Kuligiin isku af baad tihiin, maxaa nimankan idin daba dhigay? Yaa mas’uul idinka dhigay? Maxay idin tareen oo aad ku daba socotaan? Maxay ku wanaagsanyihiin oo lagu raacaa? Hal shay oo wanaag ah oo ay leeyihiin ii sheeg, aniga waxaan kuu sheegayaa way isku kiin laayeen, way idin kala dileen, kalsoonidii aad qaruunta ku wada ahaydeen ee idinka dhexaysay way burburiyeen, Soomaalinimo baan ka hadlaynaa laakiin iyaga mid kasta kan kale wuxuu u yaqaanaa reer hebel, sidaa daraadeed iyagu maba hayaanba xil Soomaalinimo dadkiina shacabka baa u haysta inay Soomaali idinla yihiin, mar haddii ay sidaas yihiin ma garan karo sabab aan dano Soomaaliyeed ugala sheekaysto.”.

Amakaaga baa iga soo haray, ninku nin aan fahmi karo ma aha, ninku waa ergay dowladeed, oo waxa badan baan ka ilaashanayaa inay iga raacaan haddii aan ula hadli lahaa siduu iila hadlayo, waxaa madaxayga ku jira dagaalkii 1977kii iyo siday dalal uu ka mid yahay dalka uu ka socdo u taageereen Itoobiya xilligaas, waxaan dareemayay in erey kasta oo aan kula hadlo uu kala bixi karo xog isaga wax ku ool u ah anigana aanan lahayn dowlad, waxaan caqligaygu aqbali karin ninkaan waxa uu sheegayo oo dhan inay daacad ka tahay, waan ogaa inaanan xog badan hayn oo uu iga macaashayo laakiin waxaan is lahaa waxaadan adigu xog u aqoon ama aan macno weynba kula lahayn baa hadana xog noqon kara, waayo uma taba barnid sida ninkan mana taqaanid xogta uu kaa rabo noocay tahay.

Waxaan dareemay in qofku dhalsho ahaan Soomaali ahaan karo laakiin Soomaalinimadu ay tahay dhaqan la barto, waana arrin intuu dalka burburay dhallinta yar-yar aan la barin ama aan lagu darin manaahijta wax-barashada, hadalkiisi ayuu sii waday “… waxaan ku tusay khariidado ay sameeyeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo mid kasta uu doonayo in dunida tuso in beesha uu ka dhashay ay ugu dhul weyntahat beelaha Soomaaliyeed isla markaasna ay iyadu ug badantahay, waxaan kuu sheegay in nin qabqablayaasha ka mid ah oo la kulmi lahayn uu yiri beel hebel seddex hoggaamiye baad kala kulanteen beeshoodana kama badna beeshayda marka siday ku dhici kartaa in beeshayda aniga keliya aad igala kulantaan?!.

Oo kaaga daranee markii aan niri keensada hoggaamiyeyaal kale uu annagii dacwo inuu qabsaday ilaa ma oggolo in hoggamiye kale oo beeshiisa ah uu soo baxo e’. marka waxa Soomaali isku haysato ma aha siyaasad aduunkana khalad buu fahmay oo wuxuu rabaa inuu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee Soomaalida u dhexeeya, waxyaabo la kala sheegto waa ay jiraan laakiin kuwaas xaqiiqda ma aha ee xaqiiqda ku qarsoon oo aan la shegayn waxay tahay side baa beel hebel innooga badnaan kartaa?! taasna aduunku ma xallin karo …”
Beri la soco….

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan (Q-IV) appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>