Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Itoobiya oo Sheegtay in 120 Al-Shabaab ah lagu dilay Halgan

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post) Al-shabaab ayaa weerar khasaaro badan gaystay waxa ay ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku taala deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan.

Safaarada dowlada Itoobiya ee ku taala magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in weerarkaasi ay soo qaadeen Al-Shabaab lagu gaarsiyay khasaaro  aad u badan.

“Weerarkaan Al-Shabaab waxaa looga dilay 120 dagaal yahan, sidoo kale waxaa looga furtay  Hub Badan oo ay ka midyihiin K47 oo ka badan boqol qori, garneelada garbaha laga rido iyo gaadiid dagaal.” Sidaasi waxaa yiri Kamaaludiin Mustafa oo ka tirsan Safaarada dowlada Itoobiya ee Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheega in Al-Shabaab ay Afar jiho ka soo weerareen Xirada laakiin ciidamada AMSIOM oo u diyaarsanaa inay ka hortagaan weerarada nuucaan oo kale ah ay fashilyeen weerarkaas.

Dhanka kale war kooban oo goor dhow ururka Al-shabaab ay ku soo qoreen baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegeen in ay dileen ku dhowaad 40 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro  nuucaan oo kale ah waxay ka gaysteen xarumo ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

Puntland post

 

The post Itoobiya oo Sheegtay in 120 Al-Shabaab ah lagu dilay Halgan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>