Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha dawladda Puntland oo soo gaarey magaalada Garoowe.

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo  maanta 9-June-2016 kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa soo  gaarey magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Konooko kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha waxaa loosoo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu Madaxweynuhu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta  ugana warbixiyey safaradiisii kala duwanaa ee uu ugu maqnaa magaalooyinka Muqdisho iyo Abudhabi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkii madasha wadatashiga qaran ee uu Muqdisho kaga qayb galay si qoto dheer loogu lafo guray aayaha Soomaaliya iyo halka looga dhaqaaqi doono meesha hadda la joogo isla markaana uu ahaa mid guul kusoo dhammaaday, uuna rajeynayo shirarka soo socda in ay kasoo baxaan wax dan u ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in safarkiisii uu ku tegey magaalada Abudhabi ee xarunta waddanka isu tagga Imaaraadka Carabta  uu la xiriirey iskaashiga dhinaca ammaanka ee dawladda Imaaraad Carabta iyo dawladda Puntland iyo iskaashiga dhinaca mashaariic horumarineed  iyo maalgashi.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa geesta kale Baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka dharkayn geenyo ee gobolka Sool, waxaana uu ugu baaqay cuqaasha iyo  wax garadka deegaankaasi in ay ka qayb qaataan  soo afjaridda shaqaaqada dhexmartay dadka walaalaha ah ee wada deggan deegaankaasi.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ka tacsiyeeyey geerida ku timi marxuumad Dhudi Yuusuf Aadan oo ahay guddoomiyihii ururka Haweenka gobolka Mudug oo xalay Maqribkii ay  kooxda alshabaab   toogteen gurigeeda, waxaana uu ilaahay uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland ee ay ka baxday.

Uga dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa  sheegay in kooxda alshabaab ay yihiin kuwo ku caan baxay in ay laayaan dadka maatida ah marka lagu jebiyo goobaha dagaalka, taa beddel keedana ay dawladda Puntland ugu jirto heeggan buuxa, tallaabo sharci ahna laga qaadi doono kuwii ka dambeeyey falkaasi iyo falalka lamidka ah ee ay argagixisadu la beegsanayaan biri-mageydada Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sidoo kale xusay in xabsiyada Puntland ay buux dhaafiyeen maxaabiista laga soo qabqabtay kooxaha sharwadayaasha alshabaab isla markaana ay ciqaab adag la kulmi doonaan  maadaama ay yihiin kuwo ku caan baxay in ay miirtaan dhiigga shacab Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
0dc50b81-f2fc-4077-84c5-daa829a59071 9a1c0af5-5747-499f-9835-49fdbe9573df 26af6863-bbef-4095-97a7-6988b2ef2d3c 27be6819-e592-4cc7-abcf-d8bc94c6621b 43b317c4-49be-47c9-9e59-d6a27462d45a 088fec13-2c9d-469e-bc57-9fff8858c8df 93a32797-7a0d-4a04-b51a-5c416f4513a2 0774dbb9-b60f-4e49-9f20-888547f5c0bd 2224c290-90c5-4e0c-9def-6f590f424b85 4684fa95-3618-420d-9e50-d983cc5ee218 18585e0e-0819-4c2e-8c98-ab981acb3919 62636cbe-21f1-4b31-a548-6343094d72f2 432691b5-b3e2-4f41-abf1-370407553357 abe92179-8b69-4386-91b1-10275e51ea22 b7201500-cd0a-4367-95c6-859b16799490 bb9b553d-5775-41a2-891d-50073b120cd4 d4bdb29f-f1f9-4aa3-85d5-21f8f2780dfd d9208a79-92d0-4dd5-9ff7-9b642cfbac5e ddc5cc3e-4ff5-4bc7-a251-6c61b27a06e7 e19f4a5c-85df-4c12-8fbc-21f43a969afb e851de66-286d-424a-a357-4c7338786e6c efec8976-d3b2-4aa6-b7ab-302a79b62e7c eff8c465-b15a-4fae-b440-eba92331a103

The post Madaxweynaha dawladda Puntland oo soo gaarey magaalada Garoowe. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>