Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirkii Amniga Puntland oo Bosaso ku soo Laabtay, Kana Hadlay Xaaladiisa Caafimaad

$
0
0

DSC_0454
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo  lagu dabiibayay Cusbitaalka Ku yaal Dalka Jabuuti Muddo ka badan bil ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda ganacsiga puntland ee magaaladda Bosaso.

Wasiirka oo dhaawac ka soo gaaray israsaasayn dhexmartay  ilaalada Taliyayaashii hore ee Ciidamadda Booliska iyo Birmadka Puntland waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose Axmed Garaasha, Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed wacays, Duqa Degmadda Bosaso Eng Yaasiin Mire Maxamuud iyo qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidamadda Amniga Puntland.

Wasiirka amniga oo Warbaahinta kula hadlay qaybta VIP ee Garoonka Bosaso ayaa sheegay inuu xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, Maalmaha soo socdana uu bilaabi doono shaqooyinkii caadiga ahaa ee Wasaaradda.

“muddo bil ka badan ayaan ku maqnaa dalka jabuuti, Caafimaad ayaan u tegay aad baana uu fiicanahay hadda, dadweynaha reer puntland waaan u mahacelinayaa, waxaanan u soo jeedinayaa inay ka faa’iidaystaan bisha ramada ee barakacaysa ee Ramadan” ayuu yiri Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi.

Geesta kale, Wasiir Qarjab kama uusan hadlin Saraakiishii Ciidamadda booliska iyo Birmadka oo madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali gaas uu shaqada ka eryay, kuwaaso kala ahaa Taliyihii Ciidamada Booliska Cabdirisaaq Afguud iyo Taliyihii Ciidanka Birmadka Cismaan Afdalow, kuwasoo hoos imaan jiray  wasaaradda Amniga Puntland.

DSC_0391
DSC_0399 DSC_0400 DSC_0405 DSC_0410DSC_0422
DSC_0428 DSC_0433 DSC_0443
DSC_0462

PUNTLANDPOST

The post Wasiirkii Amniga Puntland oo Bosaso ku soo Laabtay, Kana Hadlay Xaaladiisa Caafimaad appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>