Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Rabshado u dhaxeeyay Taageerayaasha ku Bada Cagta England iyo Russia oo ka dhacday France

$
0
0

Marseille-(Puntland Post) Waxaa xalay Rabshado  hareeyeen bilowgii iyo dhamaadkii kulankii kubadda cagta ee dhexmaray xulalka England iyo Ruush-ka ku lan ka tirsataa Euro 2016, oo ka dhacay magaalada Marseille ee dalka France kaas oo ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah.

Gool uu Ruush-ka u dhaliyay waqtigii dhamaadka cayaarta Berezutski ayaa England ka beenisay inay markii ugu horeysay  badiyaan kulankooda ugu horeeya ee tartamada qaramada Yurub iyadoo goolkaas uu kansalay gool laad xor ahaa uu hogaanka ugu dhiibay xulka England Eric Dier.

Inta aanay ciyaarta bilaaban, ayaa booliska waxa ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen taageerayaal labada dal u kala dhashay, kuwaasoo ku dagaallamay dibedda garoonka.

Kulanka labada dal dhexmaray markii uu dhammaaday, ayaa  hadana taageerayaasha Ruush-ka waxa ay gacanta ula tageen qaar ka mid ah kuwa England ee garoonka ku sugnaa.

Rabshadahaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ka badan 15 qof, oo laba ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay.

egl2 egland egland3 egland5 egland6 egland7 england england3 england4 england6
Puntland Post

The post Rabshado u dhaxeeyay Taageerayaasha ku Bada Cagta England iyo Russia oo ka dhacday France appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>