Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Lama Filaan: Xulka Yar ee Iceland oo Barbaro laga Galay Portugal Kulankoodii Ugu Horeysay Ee Tartan Caalami

$
0
0

 

Xulka Iceland ayaa si taariikhi ah ku bilowday koobkoodii ugu horeysay abid ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku qabteen xulka Portugal. Gool uu dhaliyay Nani qeybtii hore ayaa waxaa bilowgii qeybta labaad beeniyay Bjarnason kaasoo dhaliyay goolkii ugu horeysay abid ee xulkiisa ee tartan caalami ah.

Iceland ayaa soo bandhigay daafac wanaagsan oo ay ku joojiyeen kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo oo ku guuldareystay in guul ku hogaamiyo xulkiisa kulankii ugu horeeyay ee Group F.

Iceland waa markii ugu horeysay oo ay ka qeyb qaato tartan weyn oo heer caalami, waxaana xusid mudan in dadka ku nool Iceland ay tiradooda gaareyso 330 kun. 8% dadkoodu waxa ay soo aadaan France si ay u taageeraan xulkooda, waxaana magacyada ciyaartoydooda inta badan ku dhamaadaan ereyada ‘son’.

Portugal ayaa kulanka soo socda kula ciyaaraya Paris Austria sabtida, halka Iceland, Hungary kula ciyaari doonaan Marseille.

PUNTLAND POST

The post Lama Filaan: Xulka Yar ee Iceland oo Barbaro laga Galay Portugal Kulankoodii Ugu Horeysay Ee Tartan Caalami appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>