Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ducaysane, “ Sannadkii tagay ee 2012, dhaqaale gaaraya $6.1 billion, ayay Shirkadaha/Ururada Maraakiibtu iyo Beesha Caalamku ku bixiyeen barnaamijka la dagaallanka Burcad-badeedda.

$
0
0

yon, France, May 23, 2013: Agaasimaha la Dagaalanka Burcad-badeedda Dawladda Puntland , Mudane Abdirizak M. Dirir (Ducaysane) oo maalmahan shaqo u joogay magaalada Lyon ee wadanka Fransiiska, ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta, waxa uu shaaca ka qaaday in sannadkii tagaey ee 2012ka dhaqaalaha ku baxay barnaamijka la dagaallanka burcad-badeedda uu ahaa $6.1 billion.

Abdirizak M. Ahmed (Ducaysane)

Eng. Abdirizak M. Ahmed (Ducaysane)

Ducaysane, “ sida aad la socotaan, bishii May 2012 ayaa ugu dambeysey markab la qabsado, sanadkan 2013 oo aynu bishii Shanaad (May) ku jirrona, wali markab la qabsaday ma jiro, taas micnaheedu ma ahan in aanay burcad-badeeddu aanay weeraro qaadin ee waanay ku guulaysan”. Agaasimuhu, isagoo hadalkiisii sii wata, waxa uu yiri, “Way badan yihiin sababaha keenay in aanay burcad-badeeddu ku guulaysan weerarada ay qaadayaan, waxaase ugu muhiimsan, oggolaanshaha maraakiibta loo oggolaaday inay qortaan oo saaraan maraakiibtooda ILAALO U GAAR AH oo ka difaacda weerarada burcadda, waana meesha dhaqaalaha ugu badani ku baxay sannadkii 2012ka ($2.06 billion).

Agaasimuhu, isagoo faah-faahinaya sida dhaqaaluhu u baxay sannadkii tagay 2012, ayuu u kala dhig-dhigay sidan:

  1. Madax-furashada: Sannadkii tagey ee 2012, siddeed markab ayay burcaddu madax-furasho ka qaadatay, lacag dhan $31.75 million. Marka lagu daro, kharshka diyaaradda lacagta keentay, dhaawaca markabka soo gaara xiliga qabsashada, dulaaliinta/ dhexdhexaadiyayaasha, la taliyayaasha iyo qareenada, guud ahaan waxaa ku baxay lacag dhan $63.5 million.

    - Hawl-galka Ciidamada: Waxaa ku baxay, lacag dhan $1.09 billion.
    - Ilaalada iyo Qalabka Amniga: Waxaa ku baxay, $2.06 billion.
    - Jihaynta ama Dib u jihaynta Maraakiibta: waxaa ku baxay lacag dhan $290.5 million
    - Kordhinta Xawaaraha Maraakiibta: waxaa ku baxay $1.53 billion
    - Shaqaalaha Maraakiibta: waxaa ku baxay lacag dhan $471.6 million
    - Xariga iyo dacwo ku oogidda Burcad-badeedda: waxaa ku baxay $14.89 million
    - Caymiska: waxaa sannadkii tagay ku baxay $550.7 million
    - Ururada la dagaallanka burcad-badeedda: waxaa ku baxay lacag dhan $24.08 million.

    Dhaqaalahan ayaa waxaa laga bixiyaa SANDUUQA KAYDKA DHAQAALAHA LA DAGAALLANKA BURCAD BADEEDDA EE QARAMADA MIDOOBAY (UN CP TRUST FUND), oo ay maamulaan guddi ka kooban 10 wadan oo leh awoodda u codaynta, sida: Jermany, Italy, Kenya, Noway, Republic of Korea, Qatar, Seychelles, Somalia, Turkey, iyo UK – iyo ururada IMO, UNODC, iyo UNPOS oo aan codayn Karin. 

    Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>