Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

IGAD oo Kulmaysa iyo Warmurtiyeed khuseeya arrimaha Jubbooyinka oo laga soo saarayo ( Warbixin)

$
0
0

Wadamada ku bahoobay IGAD ayaa maanta shir uga furmay magaalada Addis Ababa, iyadoo shirkaas looga hadlayo arrimaha amaanka dalalka IGAD iyo arrimo khuseeya jubbooyinka.

IGAD oo ka doodaysa Ammaanka Gobolka iyo JubbooyinkaMadaxweyanaha DF ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Culusow ayaa lagu wadaa inuu shirkaas ka hadlo, isagoo sidda la xaqiijiyey halkaas la shirtegi doona sidda uu arko Maammulka Cusub ee Jubbooyinka.

Masuuliyiin ka socota IGAD oo kormeer kusoo sameeyey hanaankii doorashada Jubbooyinka iyo arrimaha Jubbooyinka ayaa iyaguna halkaas  kaga faalloon doona waxyaalihii ay kusoo arkeen iyo nabadgelyada ka jirta xarrunta kumeel-gaarka ah ee Jubbooyinka ee magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen ergooyinkii doortay Madaxweynaha Jubbaland iyo Kuxigeenkiisa iyo weliba cuqaasha deegaanka Jubbooyinka.

IGAD oo aad u taageeraysay shirkii Jubbooyinka ayaa maanta Cod u qaadaya arrimo badan  oo sharci ahaan loo eegayo , maadaama dalka Soomaaliya uu qaatay hanaanka Federaalka ah ayaa lagu wadaa inay xarrunta shirka uu ka socdo laga soo jeediyo  in shirkii Jubbooyinku uu ahaa mid waafaqsan sharciga federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay sanadkii 2oo4-tii , laguna saxiixay dalka Kenya , kaddib 2 sano oo shir Empeghati uga socday qaybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed.

IGAD ayaa loo badinayaa inay difaaci doonto wixii Soomaalidu ay ku heshiisay, maadaama caalamka dhamaantiis uu maanta usoo jeedo in Soomaaliya Cagaha loo dhigo , iyadoo loo raacayo sharciga federaalka ee ay ku heshiiyeen Soomaalidu iyo siddii ay u kala degaan jireen, sidaasna lagu xaliyo arrimaha Soomaaliya , halka Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo rag la siyaasad ahi ay doonayaan in ay hanaankaas carqaladeeyaan , si aysan soomaaliya u degan , isla markaasna aan loo helin Daawo ay soomaaliya ku degto.

Sikastaba, aan dhowrno Warmurtiyeedka laga sugayo IGAD oo maanta shir uu uga socdo xarrunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Puntlandpost, Addis Ababa, Ethiopia


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>