Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wafti ka socda Puntland oo kulan aqoon is weydaarsi ah kaga qayb galay Waddanka Tanzania.

$
0
0

Wafti Puntland ka socdey oo safar shaqo ku marayey waddamada Geeska Afrika ayaa socdaalkooda ku gaarey magaalada Daarasalaam ee Xarunta dalka Tanzania waxaanay kula la yeesheen Machadka Tababarrada shaqaalaha ee waddana Tanzania ee Tanzania Public Service College (TPSC).

Waftiga ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland waxaana uu ujeedka Socdaalkoodu daarran yahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta shaqaalaha dawladda Puntland isla markaana waxa ay ka duulayaan ballan qaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa dib u habaynta Shaqaalaha dawladda.

Muddadii uu kulanku socdey ayaa waxaa laysaga xog waraystay arrimo badan oo la xidhiidha aqoon is weydaarsi iyo sidii labada dhinaca ay isaga kaashan lahaayeen tayaynta iyo tababarrada shaqaalaha iyadoona  waftiga Puntland Meteleyey waxa ay su’aalo weydiiyeen sida ugu habboon ee Jaamacadda PSU iyo Mac-hadka TPSC ay isaga kaashan karaan is dhaafsiga khibradaha iyo tababarrada shaqaalaha ee waqtiga fog iyo kan dhow.

Madaxda Mac-hadka TPSC ayaa ballan qaaday in ay diyaar u yihiin in ay la wadaagi doonaan khibraddooda iyo aqoontoodaba Jaamacadda PSU si kor loogu qaado tayada shaqaalaha dawladda Puntland.

Ugu dambayn kulanka oo socdey muddoo labo maalmood ayaa waxa laysku afgartay dhammaan arrimihii laga wada hadlay iyadoona laysla qaatay in la xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dawladood ee Puntland iyo Tanzania isla markaana uu Mac-hadka TPSC diyaar u yahay in uu Puntland ka caawin doono tayaynta iyo kor u qaadista khibradaha shaqaalaha Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

1 2 3 4

The post Wafti ka socda Puntland oo kulan aqoon is weydaarsi ah kaga qayb galay Waddanka Tanzania. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>