Garowe-(puntland post)-Wasiirka wasarada waxbarashada iyo barbaarinta koonfur galbeed iyo ku xigeenka wasaradaasi oo maalmihii u danbeeyay garowe ku sugnaa ayaa maanta kormeer ku tagay jaamacada kuliyada tobabarada macalimiinta puntland ee GTEC Iyo jaamacada bariga Africa .
Kormeerka masuuliyiinta ayaa ahaa siday wax uga ogaan lahaayeen qaabka ay u shaqeeyan goobaha waxbarasho ee ku yaala puntland, waxaana socdaalka wasiirada waxbarashada koonfur galbeed ku weheliyay wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland iyo xiriiriyaha wasaarada waxbarashada soomaaliya iyo maamul gobaleedyada ka jira gudaha dalka.
Wafdiga ka socday puntland iyo koonfur galbeed ayaa jaamacadaha ay booqdeen waxa ay madaxdooda ka wareysteen qaabka ay u shaqeeyaan, waxayna Madaxda waxbarashada koonfur galbeed ka codsadeen madaxada jaamacadaha ay booqdeen inay xiriir la sameeyaan jaamacada ku yaala koonfur galbeed.
Markii uu soo dhamaaday kormeerka ay ku tageen jaamacadaha wafdiga ka socday puntland iyo koonfur galbeed, waxa ay ku soo noqdeen xafiiska wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland, waxayna xarunta wasaarada ku kala saxiixdeen heshiis ku aadan siday u wada shaqeyn lahaayeen wasarada waxbarashada puntland iyo tan koonfur galbeed.
Xiriiriyaha dhinaca waxbarashada wasarada waxbarashad soomaliya iyo maamul gobaleedyada ka jira dalka cabdi faarax siciid ( juxaa ) ayaa sheegay in heshiiskaan aqoon korarsiga ah ee ay wada sixiixdeen wasaarada waxbarashada puntland iyo wasarada waxbarshada soomaliya yahay midkii ugu horeeyay oo ay wada saxiixdeen waxaana uu sheegay in heshiiskaan kii ka horeeyay ay wasarada waxbarshada puntland la saxiixatay madax ka socotay waasarada waxbarashada jubaland.
Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta maamulka koonfur galbeed soomaliya saadad maxamed nuur caliyoow ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in heshiis waxbarasho ay la galaan wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee puntland, waxana uu intaasi ku daray in wasaarada uu madaxda ka yahay u istaagi doonto sida uu u dhaqan gali lahaa heshiiskaasi.
Wasiirka wasarada waxbarashad iyo tacliinta sare ee Dowlada puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise Waxa uu madaxada wasaarada waxbarashad koonfur galbeed uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen puntland, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inay heshiis ku aadan sidii la iskaga kaashan lahaa hormarinta waxabarashada puntland iyo koonfur galbeed la galaan madax ka socotay wasaarada waxbarashada koonfur galbeed, waxaana uu wasiirku intaasi ku daray inay diyaar u yihiin inay heshiis waxbarasho la gaaraan dhamaan maaamul gobaleedyada ka jira soomaaliya, si kor loogu qaado iska war qabka waxbarasho ee Dalka.
Wafdigaan ka socda wasarada waxbarashada iyo barbaarinta koonfur galbeed ayaa magaalada garowe ee caasumada Dowlada puntland ku sugan sadexdii maalmood ee la soo dhaafay, iyagoona inta ay garowe ku suganyihiin kulamo la qaadan doona ganacsatada ku sugan magaalada garowe ee ka soojeeda gobolada Bay iyo Bakool ee koonfur galbeed.
Puntland post
The post Wasarada Waxbarashada Puntland Iyo Wasarada Waxbarashada Koonfur Galbeed Somaliya Oo Garowe Heshiis Ku Kala Sixiixday appeared first on Puntland Post.