Wararka naga soo gaaraya Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya, in Dowlad goboleédka Maamulka Jubbaland uu istaagiyey imaanshaha Wasiiro ka socda DF ee Soomaaliya oo Kismaayo kusoo fool lahaa , isla markaasna loogu baaqay Saraakiil booqasho ku joogay Magaalada Kismaayo oo ka socday DF ee Soomaaliya inay isaga baxaan guddaha magaalada Kismaayo
Masuuliyiinta Jubbaland oo shir deg deg ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa si deg deg uga baaqay kooxaha ka socdaý DF ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo inay isaga baxaan magaalada Kismaayo kaddib markii laga warhelay inay kala furfurayaan Ciidamada Jubbooyinka.
Maamulka Cusub ee Jubbooyinka oo beryihii la soo dhaafay dulqaad u muujiyey masuuliyiin ka socotay DF ee Soomaaliya oo Kismaayo ku sugnaa ayaa hadda loo maleeyo inay go’aan wanaagsan ka qaateen Masuuliyiinta sheeganaya DF ee Soomaaliya ee qaska ka waday guddaha magaalada Kismaayo.
Shacabka Jubbooyinka ayaa aad usoo dhaweeyey go’aanka wanaagsan ee ay qaateen Maamulka cusub ee Jubbaland, kuwaas oo talaabada ay qaadeen Maamulka Jubbaland ku tilmaamay arrin wanaagsan oo mudan in la soo dhoweeyo.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland