Garoowe: (pp)- Gobollada Puntland maanta ka bilaamay Imtixaanaadka Shihaadiga ah ee fasalada 8-aadka iyo 12-aadka ee sanadkaan,waxana ku dhawaaqay in la gali karo Imtixaanka Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Faroole).
Munaasabada lagu furayay imtixaanaadka shihaadiga ah ayaa lagu qabtay dugsiga sare ee Gambool,waxana kasoo qayb galay madaxwaynaha Puntland,labada gole ee xukumada,iyo masuuliyiin kale.
Dr Juxa Wasiirka waxbarashada Puntland oo bilowgii munaasibadaani ka hadlay ayaa sheegay saakay inay imtixaanka u fadhiyaan arday ka badan 8500-oo arday,wuxuna sheegay 190-iskuul inuu ka dhacayo imtixaanka lagana mamulayo 66-xarumood.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo si rasmiya ugu dhawaaqay furitaanka Imtixaanka shihaadiga ah ayaa sheegay inay guul taariikhi ah tahay in saakay guud ahaan Puntland looga fadhiga imtixaanka Shihaadiga ah,wuxuna madaxda wasaaradda waxbarashada ku amaanay howl-karnimada iyo dadaalka ay u muujiyaan midaynta manaahijta iyo qaadista imtixaanka.
”Aad baan uga ammaanayaa dadaalka ay madaxda wasaarada waxbarashada u muujiyeen midaynta imtixaanka,sidoo kale wasaarada waxbashada waxaa amman usoo jeediyay madaxda dowlada Soomaaliya xiligii ay noogu yimaadeen magalada Garowe”Faroole.
Fasalada 8-aadka Sanadkan waxaa imtixaanka u fariisanaya 3.502-wiilal iyo 2,641-gabdho,halka fasalada 12-aadna lagu sheegay inay u fariisanayaan 1,726-wiilal ah iyo 645-gabdho ah,waxaana sidaan noo sheegay masuul sare oo ka tirsan wasaarada waxbarashada Puntland.
Waxbarashada Puntland ayaa laga dareemayaa shaqo balaaran oo ka soconaysay maalmihii lasoo dhaafey,iyadoona dadaal ugu jirtey sidii loo dhiiri galin lahaa ardeyda.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.