Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Masuul katirsan Maamulka Somaliland oo sheegay xog-hayihii Dawlada hoose ee Laascaanood inuu u goostay dhanka Garowe

$
0
0

Laascaanood(Puntland Post)-Warka aan ka helayno Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool ayaa sheegaaya inuu Magaaladaas isaga baxay xog-hayihii Dawlada Hoose ee Magaalada Laascaanood Cabdikhayr Dirir, iyadoo loo badinaayo inuu u goostay dhanka Caasimada Puntland ee Garowe.

Mid kamida Golaha degaanka ee Magaalada Laascaanood oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xog-hayihii uu saakay u goostay Puntland.

Warka ayaa intaas ku daraaya in xog-hayuhu uu horay usii kaxaystay Gaari nooca Layla Calaawadi Somalidu u taqaan oo ay lahayd Dawlada Hoose ee Laascaanood Maamulka Somaliland.

Maahan markii ugu horaysay oo masuuliyiin xilal ka haya Somaliland iyo Puntland ay u kala goostaan labadda dhinac, walow ay waayadii danbe labadda Maamul isku celinayeen wixii gadiida oo lala soo goosto iyo danbiilayaasha.

PUNTLAND POST

The post Masuul katirsan Maamulka Somaliland oo sheegay xog-hayihii Dawlada hoose ee Laascaanood inuu u goostay dhanka Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>