Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo cusbitalka Garoowe ku booqday Ugaas Cabdullaahi Ciise

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 21-Jun-2016 cusbitalka guud ee magaalada Garoowe ku booqday Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada Puntland oo halkaasi xaalad caafimaad u jooga.

Madaxweynaha ayaa dhaqtarkii dabiibayey ugaaska ka xog waraystay xaalladda guud ee caafimaad ee ugaaska, waxaana uu sheegay dhakhtarku in Ugaasku uu kasoo raynayo xanuun la xiriira dhiigga oo kacay markii  hore isla markaana kor u  dhaafay xadkiisa caadiga ah balse hadda ay xaaladdiisu aad u wanaagsantahay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah uga xog waraystay ugaaska xaaladdiisa caafimaad iyo wax uu dareemayo isla markaana waxa uu Ugaasku sheegay in uu dareemayo xaalad caafimaad oo wanaagsan sidoo kalena uu cusbitalka kala kulmay adeeg caafimaad oo wanaagsan.

Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali booqashiisa uu ku soo booqday cusbitalka iyo sida dhow ee uu ula socdey xaaladdiisa caafimaad.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Eebbe uga baryey in uu Ugaaska siiyo caafimaad degdeg ah, waxaana uu ku tilmaamay ugaaska in uu yahay shaqsi kashaqeeya nabadda iyo midnimada shacabka Puntland, isagoona intaasi sii raaciyey in uu si dhow uga war-qabi doono xaaladda caafimaad ee Ugaaska.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_6713 IMG_6715 IMG_6716 IMG_6721 IMG_6723 IMG_6730 IMG_6736 IMG_6738 IMG_6743

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo cusbitalka Garoowe ku booqday Ugaas Cabdullaahi Ciise appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>