Djibouti waxay ahayd dowladdii keliya ee shirkaas labada sano socday ka baxda, sababta ay uga bxaday waxay ahayd mid cad oo aan la qarin, oo waxay ahayd iyadoo uu madax-weynihii dowladdii xilligaas Cabd-Ul-Qaasim Salaad Xasan ay shirka ka baxday!……oo maxa dhacay? Haddii aad si dhab ah arrinta u fiiriso, Djibouti dowgeeda ma ahayn tallaabadaas inay qaado, sababtuna waxay ahayd Djibouti iyadaa dano kale lahayd oo aan la fahmin, waayo Cabd-Ul-Qaasim iyo erggeda kale ee Soomaaliyeed ee shirka fadhisay way kala caroon kareen, waaba dadkii la dhexdhexaadinayay ee shirka loo qabtay mana ahayn markii ugu horeysay ee Cabd-Ul-Qaasim uu shirka ka baxo oo waxay ahayd markii labaad ee uu shirka ka carooday.
Mid macquul ahayd, in Djibouti ay u dhaqanto dowlad dhexdhexaadinaysa dadka Soomaaliyeed iyadoo ilaashanaysa danteeda gaarka ah ee ay ku qabto Cabd-Ul-Qaasim, macnaha xataa inay dhowrta wada hadallada dadka u socda oo ay ixtiraamto…waxaan garanayaa kooxaha kale marka uu mid caroodo inta aysan bixin waxaa ka hor tegiyay dowladda danaynaysa ama ay xiriirka sokeeye lahaayaan kooxdaas oo ka hor jogsanaysay inay shirka ka baxdo kooxdaas, hasa ahatee Djibouti waxay noqotay dowladda keliya ee ka mid ahayd dowladihii shirkaas qabanqaabadiisa lahaa ee shirka baxday iyadoo la dudaysa kooxdii ay xiriirka sokeeye lahaayeen.
Tan kale Djibouti way ogeyd sida wax u dhaceen iyo sababta madaxdii Carte shirka uga baxeen intaba inaysan wax sax ahaa, maxaa yeelay waxa laysku qabtay waxay ahayd ansixintii Cahdigii-ku-meel gaarka ahaa (September15,2003) kaasoo ansixiintiisii ay diideen madaxda carte iyagoo ku doodadya inaysan markiisii horeba wax ka qorin sidaas aawgeedna ay u baahanyihiin inay soo aqriyaan oo ay ka soo doodaan….dhinaca ka soo hor jeedana waxay ku doodayeen in madax-weynuhu uu joogay magaallada intii ay doodad Cahdi-ku-meel-gaarka ah ay socotayna uu diiday inuu soo fariisto oo ka soo qayb galo doodahaas, hadda markii ay doodii soo gaba gabowday oo in la ansixiyo ay maraysanna aysan yeelayn in hawl sanad soo socotay dib loogu noqdo, waxayna cadeeyeen in haddii aan isla maalintaas la ansixin oo dib looga dhaco ay shirka isga baxayaan.
Maalinkaas aroornimmadii ilaa laga gaaray casarkii ergooyinka shisheeyaha ah ee shirka fadhiyay waxay wadeen dadaal aad u ballaaran oo ay doonayaan in labada dhan ay mid un wax oggolaato, waxaa calaamad yaab leh ahayd ergeygii Djibouti ka socday inuusan maalin ka dhex muuqan madasha weyn ee shirka sababtuna ay ahayd inuu fikirka ku raacsanaa Cabd-Ul-Qaasim iyo dowladdiisa, waliba wararku qaarkoodna ay sheegayeen inuu la fadhiyay madax-weyne Cabd-Ul-Qaasim.
Duhurnimo waxaa bilowday xubno uu ugu horeeyay Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed-DHeere) inay xirxirtaan agabkooda oo isu diyaariyaan inay shirka ka baxaan, waxaa meel kasta ordayay Max’ed Cabdi Afeey iyo SHir-Gudoonka Kiplagat oo celcelinayay ergada caraysan, haween caraysan ayaa iyagana galay halkii laga cuntayn jiray oo miisadihii iyo kuraastii tuur-tuuray oo diiday in la qaadeeyo maalinkaas…arrintu markay gaartay meel aad halis u ah oo ay u ekaatay in erggeda ay iska dareerto, SHir-Guddoonka wuxuu shir degdeg ah oo irridaha u xiranyihiin isugu yeeray erggedii shisheeyaha ahayd, waxaana laysku raacay in shirka muddada sanadka iyo dheeriga ah soo socday la badbaadiyo lana ansaxiyo Cahdiga-Ku-Meel-Gaarka ah, taasina waxay keentay in madax-weyne Cabd-Ul-Qaasim uu shirka ka baxo.
Waxaase arrin yaab leh noqotay isla markiiba inay soo baxaan warar sheegaya in dowladda Djibouti ay shirka isaga baxayso, sababtuna maxay tahay dowladdii ku meel gaarka ahayd baa shirkii ka baxday….oo yaaba taas u fadhiyay?!….haa waa la filayay Djibouti inay taageersantahay dowladdaas, haa dowladdu sax iyo khaladba way khilaafi kartay go’aanka erggeda Soomaaliyeed ee ay wada hadlayeen wayna ka caroon kartay, laakiin Djibouti dowgeedu wuxuu ahaa inay isu soo celiso dadkaan awalba qasabka laysugu keenay wax laga filayayna ma ahayn inay shrike ka baxdo iyadoo taas taageero ug dhigaysa dowladda ku meel gaarka ah!
Waxay ahayd arrin dhacdooyinka maalin kasta ka mid ah in qaar ka mid ah erggeda Soomaaliyeed ay yiraahdaan shirka waan ka baxaynaa laakiin ay taas waxaa ka hor joogsan jiray qaar ka mid ah erggeda shisheeyaha ah ee ay xiriirka sokeeye lahaayeen. Ergooyinka shisheeyaha ah qaar baa qabay inay jiraan dad raba inuusan shirka guulaysanama xataa ay la ahayd inaysan suuro gal ahayn in natiijo macne leh laga gaari karo.
Waxay ahayd dhaqan erggeda Soomaalida ah lagu yaqaan oo aan ceebtooda ahayn inay is khilaafaan, wax isku raaci waayaan, wax ku heshiin waayaan, mana jirin intii shirar loo soo qabanayay ilaa maantadan wax ay ku heshiiyeen, waana tan keentay in mar kasta iyagoo col ah oo aan waxba heshiis ku ahayn wax dowlad lagu sheegayo loo soo dhodhoobo ilaa iyo maantadan la joogana wali sidii, dabeecada noocaan ah waxay noqotay mid dhibaatadeeda iska leh oo ergooyinkii shisheeyaha ahaa uu ninba si uga faa’idaystay isagoo aan wax eed ah cidna ka soo gaarayn sababtoo ah khalad kasta oo ergeda shisheeyaha ah ay gasho waxaa ka weyn heshiis la’aanta Soomaalida dhex taal.
Beri la soco….
PUNTLANDPOST
The post Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XVII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.