Afhayeenkii Maamulka KMG Kismayo ka hor intii aan la dooran Madaxweynaha Jubaland C/naasir Seeraar oo warbaahinta gudaha ay wax ka weydiisay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Jubaland ka soconaya ayaa sheegey in uu jiro qorshe DF Somalia ku dooneyso inay ciidamada Kenya kaga saarto magaalada Kismaayo.
Mudane Seeraar ayaa sheegey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu dacwad ciidamada Kenya meel walba ka dhigey islamarkaana uu hadafka madaxweynuhu yahay sidii uu uga hor imaan lahaa howshii wanaagsaneyd ee ciidankaasi u qabteen shacabka Soomaaliyeed ee Jubooyinka.
“Ciidamada Kenya waxay gobolada ka saareen Alshabab iyo Argagixisadii haysatey, Xasan Shiikh-na midaas ayuu kasoo horjeeda, taasna waa mid fool xun in Madaxweyne Somalia uu argagixiso garabsiiyo” ayuu yiri Sareer.
C/naasir Seeraar waxa uu intaas ku darey in mowqifka maamulka Jubaland uu yahay hadii ciidanka Kenya wadanka laga saaro ay midaas bedelkeeda iyana si la mid ah dalka uga baxayaan ciidamada Ugandha iyo Burundi .
“Kenya waxay ka mid tahay Howl-galka ciidamada AMISOM, kaligeed-na biximeyso hadii laga shaqeynayo in Kismayo laga bixiyo, waxa la baxaya ciidamada Ugandha iyo Brundi oo ay ka wada tirsan AMISOM, taas ayaan u sheegayaa dadka is leh Kenya dacwad laga gudbiyo ku baxaysaa” ayuu yiri mar kale Seeraar.
Mooshin Baarlamanka DF loo gudbiyey.
Dhanka kale warar Puntland Post ka helayso xubno ka tirsan baarlamanka Muqdisho ayaa sheegaya in xukuumadu soo gudbisey mowshin ay ku dooneyso in ay cod baarlamanku ugu qaadaan ciidamada Kenya oo laga saaro Kismaayo.
Mooshinkan ayaa imanaya , xilli maalmo ka hor uu jirey mooshin baarlamanka lagala noqdey kaas oo sida la sheegey dhicisoobey, balse badelkiisa xukuumadu u adeegsatey baarlamanku in uu ansixiyo ciidamada Kenya oo Kismayo laga saaro.
Mooshinka baarlamanka loo gudbiyey ayaa ahaa mid maalmaha DF Somalia ka fekeraysay, iyadoona kusoo beegtey markii uu soo baxay Go,aankii Urur goboleedka IGAD oo Madaxda Dowlada Somalia ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan dhismaha Maamulka Jubaland.
Ilo wareedyada la hadley Puntlandpost ayaa sheegey in xukuumada iyo Madaxweyne Xasan Shiikh dagaal ugu jiraan sidii ay u fashilin lahaayeen maamulka Jubaland lagaga dhawaaqey.
Lama Oga Mooshinka baarlamanka loo gudbiyey ee kasoo horjeeda joogitaanka ciidanka Kenya ee Kismaayo go,aanka barlamanku ka qaadan doonaan iyo xilliga si rasmiya Dowlada Federalku u shaacin doonto jiritaanka mooshinkan, iyo sababaha ay ku hindistey mooshinkan, iyadoo Magaca Amisom ay ku howl galaan ciidamo kala duwan oo ka kala socday wadamo dhowr ah oo ka tirsan Africa.
Puntlandpost.com
Muqdisho.