Nairobi: (pp)- Wararka naga soo gaaraya Caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa tibaaxaya in Dowladda Kenya ay qorshanayso in ay xiriirka u jarto Dowladda uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh Maxamuud Culusow , kaddib markii dowlada Kenya u aragtay inuu yahay nin ku tuntay kana soo horjeedo hanaanka xiriirka Caalamiga ee kala dhaxeeya dalalka bariga Afrika, khaasatan dowlada Kenya.
Dowladda Kenya, ayaa isu aragta inay Xoog iyo Maal gelisay ka xoreynta deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo xoogagii Al-shabaab ee gacanta ku hayey deegaanadaas, waxayna Kenya u aragtaa in Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud siyaasada uu ku dhaqmayaa ay dhiirigelinayso Xoogaga al-shabaab, isla markaasna u fududeynaya Al-shabaab ee dib u qabsadaan deegaanadii horay looga xoreeyey.
Wararka Puntlandpost soo gaaraya ayaa intaas ku daraya, in Dowladda Ethiopia nafteeda ay aad u saluugsan tahaysiyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh , isla markaana si deg deg ah uga ka fakarayso go’aanka ay ka qaadanayaan.
Dhanka kale, ayaa waxaa sii kordhaya Saluuga ay Puntland ka qabto Madaxweynaha DF ee Soomaaliya , iyagoo u arka inuu yahay nin ku dhaqmaya siyaasado la mid ah wixii Soomaaliya bur-buriyey 1991-dii, waxaana la sheegayaa in Puntland ay ku talo jirto kana fakirayso sidii ay xiriirka ugu jari lahayd Maamulka dhexe ee DF ee Soomaaliya , haddii aysan la imaan siyaasad wanaagsan oo ka duwan tan ay hadda ay ku dhaqmayso.
Shacabka Jubbaland, oo maanta mudaaharaadyo ka sameeyey inta badan deegaanada Jubbooyinka , ayaa iyaguna Madaxweynaha iyo M/kuxigeenka Jubbland , ugu baaqay isla markaana ka codsaday Dowladda Jubbaland inay il-gaar isaga illaaliyaan Dowladda uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh ,waxayna shacabka Jubbooyinku ay ugu baaqeen Dowladda Jubbalanf in ay kalsonidii kala noqdaan Maamulka Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, maadaama ay ka soo horjeedaan Wanaaga iyo horrumarka shacabka Jubbaland iyo dowladoodda intaba.
Sikastaba, Waxaa soo badanaya saluuga iyo niyad jabka ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan siyaasadeed Xasan Sh. Maxamuud Culusow uu ku hogaaminayo Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya, waxaana dad badan ayka cabsi qabaan inuu kula kufo Mansabka Dowladda dhexe ee Soomaaliya ee la soo waday tan iyo sanadkii 2004-ta meel maran oo aan dib looga soo qaban karin.
Puntlandpost, Jubbaland State, Soomaaliya