(Yurub) 23 Juunyo 2016 – Waxaa dhamaystirmay isku aadka wareegga 16-ka tartanka qarammada Yurub ee Euro 2016, waxaana isku aaday xulal waa wayn iyadoo ay ka soo baxeen kulamo xiiso leh.
Kaddib markii caawa la soo idleeyey wareeggii Guruubyada Euro 2016 ayaa la isku aaddeyey xulalka 16-ka ah ee soo gudbay.
6 xul oo ku soo baxay kaalinta koowaad ee guruubkooda, 6 xul oo ku soo baxay kaalinta labaad ee guruubkooda iyo afar xul oo noqday xulalka ugu dhibcaha fiican kooxaha kaalimada saddexaad oo kala ah Slovakia, Portugal, Republic of Ireland iyo Northern Ireland ayey noqdeen 16-ka xul ee soo gudbay.
Isku aadka oo dhammaystiran hoos ka eeg iyo xilliga la ciyaarayo wareegga 16-ka:-
SABTI – 25-ka bisha Juunyo
Switzerland v Poland ( Saint-Etteine) – 4:00pm Saacadda Geeska Afrika
Wales v Northern Ireland (Paris) 7:00pm Saacada Geeska Afrika
Croatia v Portugal (Lens) – 10:00pm Saacada Geeska Afrika
AXAD – 26-ka bisha Juunyo
France v Republic of Ireland ( Lyon) – 4:00pm Saacada Geeska Afrika
Germany v Slovakia ( Lille) – 7:00pm Saacada Geeska Afrika
Hungary v Belgium ( Toulouse) – 10:00pm Saacada Geeska Afrika
ISNIIN – 27-ka bisha Juunyo
Italy v Spain ( Saint-Denis) – 7:00pm Saacada Geeska Afrika
England v Iceland ( Nice) – 10:00pm Saacada Geeska Afrika.
Kayse Muse Ali
Puntlandpost
Garowe
The post EURO 2016: Sidee Iskugu Aadeen Qaramada Yurub Wareega 16,ka Ee EURO 2016? appeared first on Puntland Post.