Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XIX) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Wax kasta waxay ku soo urureen khilaaf  is raac-raacay, Suudi baa baxay, Cabd-Ul-qaasim baa baxay, koox ka mid ahayd erggedii rasmiga ahayd ee shirka oo loo diiday inay ka mid noqdaan hoggaamiyeyaashii Siyaasadda iyo xubno ka mid ah hoggaamiyeyaashii siyaasadda oo kuwaas taageeraya oo caraysan baa baxay oo Muuse Suudi ku biiray oo magaallada Bal-Cad isugu tegay samaystayna urur cusub oo ay u baxsheen SNC (Somali National Salvation) shirna ku qabsaday halkaas, waxaana ku soo biiray niman kale oo dhowr ah oo iyagana danaynayay inay ka mid noqdaan ama ku soo biiraan shirka, oo ay ka mid ahaayeen Faarax  Wehliye Cadow Faarax-Sendiko.

Wixii ka dambeeyay bixitaankii Djibouti ay shirka ka baxday Oktoobar 19, 2003, waxaa shirku galay waji cusub oo ah Retreat, koxaha shirku ku haray waa ay diidanaayeen isticmaalka eryega Retreat waxayna u qaateen in la tanaazulayo oo laga noqonayo go’aannadii horay loo gaaray, ama la oggolaaday talooyinka kooxaha shirka ka baxay oo iyaga ay wax kasta ka tagayaan, waxaa xoogaa waqti qaadatay in kooxaha lagu qanciyo inaan waxba is bedelayn waxna aysan ka tanaazulayn, hasa ahaatee waxaa qasab noqotay in madax-weynaha loo yeero madax-weynaha Uganda Yweri Kaguta Museveni, oo isagu markaas hayay xilka gudoomiyenimmada madax-weynayaasha ururka IGAD, waxaana xusid mudan in hoggaamiyeyaasha Soomaalida intooda badan ay ku faraxsanaayeen immaatinka Museveni, taasoo macnaheeda loo qaadan karo inaysan ku tuhunsanayn cadaawad kala dhexeysay Soomaaliya ama cuqdad nacayb.

Qaad

Kooxihii joogay Mbagathi ee aan shirka ka bixin waxay bilaabeen olole hor leh oo ay ku diidanyihiin in hoggamiyeyaasha lagu daro xubno cusub oo shirkii Bal-Cad ku soo biiray koox SNC, waxaa keliya oo ay aqoonsanaayeen in 24kii saxiixayaashii Eldoret ahaa in lagu soo daro madax-weyne Cabd-Ul-Qaasim, arrintan ayay adkaatay in xal laga gaaro, waxaana aad isugu hawlay waziiradii arrimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD iyo ergaygii Talyaaniga Carlo Ongara,  hasa ahaatee waxay isugu soo biyo shubatay in shirkii iska istaago ilaa uu ka yimid madax-weynahii Ugnada Museveni.

 

Imaatinkii Museveni maalin ka hore baa erggedii rasmiga ahayd ee shirka joogtay laga raray  ee aqoonsiga lahaa laga raray  xarunta KCCT ee Mbagathi waxaana loo raray hotelka Safari Park hotel ee magaallada Nairobi meeshaasoo loo diyaariyay inuu kula kulmo hoggaamiyeyaasha siyaasadda kulana hadlo erggada Soomaaliyeed.  Madax-weyne Yuweri Museveni, wuxuu hotelka soo gaaray January 07, duhurnimmadii, habeenimmadeenii waxaa yimid  madax-weyne Cabd-Ul-Qaasim iyo wafdi la socda, waxaana intaas oo dhan ka soo horeeyay oo hotelkii dhowr maalmood sii deggennaa kooxdii Bal-Cad SNC, Museveni isla galabnimadiiba wuxuu bilaabay inuu hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kooxaha intii isla socotaba si kala gooni-gooni ah u arko, waxaase xoogaa la yaab igu ahayd oo waliba aanan qarsan oo weydiiyay xubna erggeda IGAD ka tirsanaa in dhammaan hoggaamiyeyaashii siyaasadda ee la kulmayay Museveni laga aruriyay  telefonnadii gacanta (Cell) sabab aan la sheegin, marka ay geliyeen qolka ay kula kulmayaanna la baarayay?!…..

 

Museveni oo intii uusan imaan aad loo saadaalinayay inuu xal deg-deg ah ka keenayo wuxu  si fudud ugu guuleystay inuu heshiisiiyo oo labdii dhinac ee is hayay ay wada oggolaadaan inay saxiixaan heshiiskii retreat-ka oo ilaa 6 hoggaamiye oo cusub lagu oggolaaday inay ka mid noqdaan erggeda, maalintii u dambaysay hadal uu u wada jeediyay erggedii shirkana wuxuu si adag ugu cannaantay in dhibaatada Soomaaliya ka jirta ay iyaga mas’uul ka yihiin, wuxuuna ku eedeeyay in caruuro yar-yar oo maalin kasta u dhinta talaal la’aan, iyo cuduro sahlan oo haddii uu dalka nabad ahaan laga daweyn lahaa ay iyaga mas’uul ka yihin dhimashadooa.

 

Kulanka Museveni maalin ka dib waxaa heshiiskaas lagu saxiixay aqalka madaxtooyada Kenya (Jan.09,2004) wixii markaas ka dambeeyayna waxaa la moodayay in shirku dar-dar hor lah ay gashay, waxaana jiray warar hoosaad ilo badan oo kale duwan laga helay oo sheegayay in kulannadii gaar-gaarka ahaa ee Yuweri Museveni la galay hoggaamiyeyaasha Soomaalida uu si adag ula hadlay,  waxaana erggeda guud ahaan inteeda badan ay ku faraxsanaayeen  natiijada ka soo baxday kulankii Museven iyo Hoggaamiyeyaasha siyaasadda oo ay ku jireen 6 xubnood oo ka mid ahaa kooxda taageerrada weyn haysatay ee Bulshada Rayadka.

 

Maalmo ka dib, markii la saxiixay heshiiskaas ayaa IGAD waxay soo saaratay qoraal ay ku sheegayso in tirradii horay loo qorsheeyay inay xubnaha golaha shacabka noqonayaan oo ahayd 351 aysan ahayn tiro macquul sidaas aawadeedna tiradii la dhimay, waxaa hadana bilowday muran hor leh hoggaamiyeyaashii siyaasadda waa ay diideen waayo nin kasta isagoo tiradaas ku talo galaya wuxuu sameeyay balan qaadyo faro badan waxaana is dhimay tiradii xubnihii uu qoondaystay mar haddii ay is dhintay tii guud, waxaana bilowday buuq iyo in laga hor yimaado arrintaas, erggedii sharka joogtay uma kala harin, hasa yeeshee waxay ku soo dhammaatay in golaha shacabka uu noqdo 275 xubnood oo ah tirade maanta ee golaha shacabka Soomaaliyeed.

Beri la soco….

PUNTLANDPOST

 

The post Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XIX) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>