Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Argentina Iyo Chile Oo Isku Diyaarinaya Finalkii Copa America 2015 Iyo 2016 Iyo Argentin Oo Doonaysa In Ay Markeeda Chile Ka Aarsato

$
0
0

Waa hadda ama maya waligeed!, xulka qaranka Argentina ayaa garbahooda ka dareemaya culays wayn waxayna sanadkii labaad oo xidhiidh ah ay soo gaadheen finalka Copa America Centenario oo bishan ka socday dalka Maraykanka. Lionel Messi iyo asxaabtiisa Argentina ayaa markale caawa isku diyaarinaya finalka Copa America Centenario oo ay markale iskaga hor iman doonaan xulka qaranka koobkan difaacanaya ee Chile.

Tababare Gerardo Martino iyo xulka qarankiisa Argentina ayaa diirada caawa ku haya sidii ay meesha uga saari lahaayeen inkaarta ka haysatay finalada koobabkii la soo dhaafay ee Copa America 2015 iyo koobkii aduunka ee 2014 ka dhacay Brazil oo xulka qaranka Argentina labadaba finalka lagu reebay. Sidoo kale Argentina ayaa doonaysa in ay koob ku guulaysato kadib muddo 23 sano ah oo ay abaar xun oo koob la’aan ahi ay haysatay.

Argentina-vs-Chile-1-609x343

KULANKA: Finalka Copa America Centenario

Qaramada: Argentina vs Chile

Garoonka: MetLife Stadium, East Rutherford, New Jersey

Waqtiga: 3:00 AM Saacada Geeska Afrika

Xogta TV-ga: Fox Sports (U.S.), Premier Sports (UK), Bein Sports.

35894DE600000578-3660509-image-a-50_1466928800385

Argentina ayaa finalka soo gaadhay iyaga oo soo wada guulaytay dhamaan kulamadii ay soo ciyaareen waxayna soo muujiyeen sababta ay markan u yihiin kuwo laga cabsado, waxayna xulka qaranka Chile hore iskugu soo arkeen heerkii Groupyada waxaana markaas guul soo gaadhay xulka qaranka Chile balse marka ay final iyo kulan kama danbays ah ay noqoto wax kastaaba way adag yihiin.

35ABBD6D00000578-3660509-image-a-61_1466930175803

 Xulka qaranka koobkan difaacanaya ee Chile oo uu hor kacayaan Alexis Sanchez iyo Arturo Vidal ayaa doonaya in ay sii wataan wacdaraha ay la soo baxeen sanadihii ugu danbeeyay isla markaana ay sidii Argentina laba sano oo xidhiidh ah ay ku guulaystaan Copa America.

3592693800000578-3660509-image-a-54_1466929714780

35A1B88F00000578-3660509-image-a-55_1466929757508

Argentina: Romero, Mercado, Otamendi, Funes Mori, Rojo, Mascherano, Biglia, Banega, Messi, Higuain, Di Maria.

Chile: Bravo; Isla, Medel, Jara, Beausejour; Aranguiz, Vidal, Hernandez; Fuenzalida, Vargas, Sanchez

Angel di Maria ayaa qaab ciyaareed aad u fiican ku soo bandhigay kulankii heerkii groupyada ee Chile iyo Argentina waxaana la filayaa in uu markale soo laaban karo finalka Copa America kadib dhaawac uu la maqnaa, waxa kale oo doorasha noqon kara Nicolas Gaitan iyo Erik Lamela.

35A4365200000578-3660509-image-a-57_1466929880987

Chile wax walwal ah kama qabto dhaawacyo waxaana dib u soo laabtay Marcelo Diaz halka Arturo Vidal uu ka soo laabanayo ganaax uu ku seegay kulankii afar dhamaadka ee Colombia.

3571555600000578-3660509-image-a-58_1466929956897

Gonzalo Higuain ayaa qaab ciyaareedkiisii Napoli ee xili ciyaareedkii dhamaaday u soo min guurayay xulka qarankiisa Argentina, wuxuuna halis wayn ku noqon doonaa Chile isaga oo waliba xusuusan ceebtii ka soo gaadhay finalkii Copa America 2015 markaas oo uu xulka qarankiisa ka lumiyay rekoodhihii uu tuuray.

3590425600000578-3660509-image-a-59_1466930014048

KOOBKA ADUUNKA:

1994 – wareega 16ka

1998 – Sideed Dhamaadka

2002 – Heerka Groupyada

2006 – Sideed Dhamaadka

2010 – Sideed Dhamaadka

2014 – Finalka ayay soo gaadheen

FIFA CONFEDERATIONS CUPka

2005 – finalkay soo gaadheen

35ABBD6D00000578-3660509-image-a-61_1466930175803

COPA AMERICA

1995 – Sideed Dhaadka

1997 – Sideed Dhaadka

1999 – Sideed Dhaadka

2001 – Xaalad nabadgalyo ayay uga baxeen

2004 – finalka ayay soo gaadheen

2007 – Finalka ayay soo gaadheen

2011 – Sideed Dhaadka

2015 – Finalka ayay soo gaadheen

2016: Finalka ayay jogaan jawaabtuna waa ?

 Kayse Muse Ali 
Puntlandpost
Garowe

The post Argentina Iyo Chile Oo Isku Diyaarinaya Finalkii Copa America 2015 Iyo 2016 Iyo Argentin Oo Doonaysa In Ay Markeeda Chile Ka Aarsato appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>