Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XXIII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Doorashadii baa bilaabatay! Laaluushka waa sharci, lama  kala qarsanayo, golohu waa buux dhaafay, meel kasta qof baa taagan, guddoomiyihii  ku meel gaarka ahaa Xirsi Bulxan iyo guddigii la shaqayniyay  iyo guddigii diiwaan gelinta xil-dhibaannada codeyniya oo IGAD ka socday ayaa si taxaddar iyo dadaal badan  uu ka muuqdo u bilaabay  hawlahoodii, iyadoo waxa u weyn ee la ilaalinayo ay tahay inuu qof walba codkiisa dhiibto.

 

Waxaase yaab lahaa, in markii doorashadu bilaabatay ay soo baxeen niman dhalin yaro ah oo aan ka mid ahayn erggedii shirka fadhisay iyo xil-dhibaannada codayniya, nin kasta si habsan loogu soo labisay, oo maxay sameyniyaan?! DHaqanka xun haddii uu noqdo wixii laysugu faanayay!…..dhallintaas waxay dhex wareegayeen ama dhex qaadayeen xil-dhibaannada fadhiya ee aan codayn oo kolba mid afka dhegta u saarayeen marka ay wax isku af gartaan waxay ka wada baxayeen qolka (Hall) codeynta ka socota, meel dhexe oo marin yar ah (Hall-Way)  oo ku meeran qolka codeynta, waxaa lacag dollar ah la fadhiya laba nin oo waaweyn (magacaabi maayee) oo aad loo yaqaan oo siyaasiyiinta ka mid ah, dhallintii iyo xil-dhibaanka ay la soo heshiiyeen oo isla socda markay nimankaas mid ka mid ah u tagaan xil-dhibaanka codayniya waxaa uu soo qaadanayay lacagtii lagu soo heshiiyay!….

albaabka

Ma ahayn wax qarsoon, labada nin ee lacagaha laaluushka ah bixinaya waxay kala wateen oo la kala safnaayeen labada nin ee ugu muhiimsanaa tartankaas oo kala ahaa SHariif Xasan SHiikh Aadan iyo Aadan Max’ed Nuur (Aadan Madoobe), waxay bixinayaan waa laaluush, nin kasta waa ag marayay isagoo ilko cadayniya oo aan waxba ka sheegayn, xataa erggeda shisheeyaha ah waa ay iska marayeen, waxayn u ekeyd inay leeyihiin annagana markeena laaluush baan bixinaynaa, waxay u ekeyd inay u tusayeen inay iska tahay arrin caadi in laaluush la baxsho, oo danbi iyo ceeb midna aysan ahayn, waxay u ekeyd inay isla lahaayeen …..

 

Waxaan qiyaasayaa inay jireen dad aan laaluush qaadan, macnaha sida arrintu u baahsanayd, waase dhici kartaa in dadka aan laaluush qaadan ay jiraan, hadday jiraanna10%  dad ka yar bay ahaayeen, nin ka mid ahaa erggeda shisheeyaha ayaan weydiiyay, “Sidee baad u aragtaa doorashadan?” anigoo ka filaya inuu ka hadli doono laaluushka iyo musuqmaasuqa uu indhihiisa ku arkayay, markaasuu inta qoslaya yiri ” Waa fiicantahay, wax walba si fiican bay u socdaan, waa Dimuquraadiyad hadda dhalanaysa.” Mid kale wuxuu yiri “Waa wado cusub oo xagga Dimuquraadiyadda Soomaalidu ugu hayaamayso!..”  ilaa maalintii dambe baan erggeda shisheeyaha ah midkii aan arko aan sidaa u weydiinayay, waxaanse ka waayay hal qof oo iyaga ka mid ah oo musuqmaasuqii dhacayay soo hadal qaada, mase u malaynaysaa inaysan ogeyn ama daacad sidaas ka ahayd?…..Kama yaabaysid, laakiin waxaa jiray haba yaraatee dano ay leeyihiin… haba yaraatee wax ay danayniyeen, oo maxay yihiin?!….

 

Aad waxaan uga xummaaday sida ay iigu jawaabeen erggeda shisheeyaha ah intii aan ka waraystay arrinta, waxaan is weydiinayay ragga meesha jooga ee ku tartamaya waa raggii dalka meeshuu yaalo dhigay, shacabkiina intaas waa garan waayay oo iyagaaba kala qoqobtay oo midba qaar kaxaystay, waliba kaaga daranee rajo lagama qabao ama haba yaraatee ma jirto saansaan ah intay baraarugaan inay maalin keliya meel uga soo wada jeestaan…waa dhaqan xun oo layna baray, waa dhaqan khatartiisa siday ilmaheena uga fakadaan ay adagtahay….wax kasta oo ay ina yeeleenba waxaa kaaga daran waxa ay ina bareen!…

 

Waxaan fiiriyay wajiyada dadkii codeeyay ama codeyniyay, wax is dhaama ma jiraan, labo-labo, waa la wada qoslayaa, waa la wada faraxsanyahay, waa la kala showrayaa, hoos baa koox kasta u faqaysaa, laakiin maxaa qarsoon?!…in lacago loo qaybinayay nin kastaa arkayay iyagana maba qarsanayn! Nin kasta waa u tirsanaayeen dadkii wax ka qaatay…. David Bell, ergeyga Ingiriiska oo ay ka muuqato inuu isu haysto il-baxnimo inuu dheeryahay dadka uu wax u sheegayo, baa September03, 2004, isagoo Bomas Kenya kula hadlaya xil-dhibaannada ku yiri “Lacag haddii la idin siiyo iska qaata, laakiin codkiina qofkaad rabteen siiya ”  malaha ahdalka uu ninkaas baa la wada qaatay, waana hadal dhaqan ahaan aad looga dhaqmayay dalka Kenya oo caan ku ah musuqmaasuqa iyo laaluushka….xilliyadii Daniel Arap Moi iyo xizbigii KANU ayaa oraahdan waxaa isticmaalay mucaaradkii ka soo hor jeeday ” Kura ni Siri yako, kula pesa zao” macnaha “Si qarsoodi kuu ah u codee, lactoodana cun!”

 

Waa la wada codeeyay, illaa ay isku soo hareen SHariif Xasan iyo Aadan-Madoobe, horay baa loo sii saadaaliyay in labadaas nin ay isku soo hari doonaan, ma aqaan saadaashaas wax lagu saleeyay laakiin waa ay dhabowday, waxaanse hubaa wixii doorasho dhacayay wixii la doono ha la sheego,” Itoobiyaa wadata, Kenya wadata….” xaqiiqda waxay ahayd cidda wax dooratay nimanka inoo ah xil-dhibaannada inay ahaayeen, meesha kama wada saari karno in gacmo-gacmayn badan ay jirtay hadana waxaan hubaa wax kasta oo shirkaas ka dhacayay 90% in ka badan waxay ahaayeen wax ay nimankii shirka fadhiyay inoo dooreen, ama iyagoo isku xumayniya ha ahaato, ama dantooda gaarka ah ha u iishaan, hasa ahaatee sida dadka qaarkood u haystaan wax qasab la yiraahdo ma jirin…oo maxaa qasab looga baahanyahay nimanka laaluushka iyagoo qaadanaya aan la dhuumanayn ee tirsanayay……Laaluush raali laysaga wada ahaa!…waxaase lays weydiin karaa lacagahaas iyo kuwo kale oo badan oo marar kala duwan laaluush loo siiyay xil-dhibaanada xaggee baa laga keenay?!….

Beri la soco….

PUNTLAND POST

 

The post Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu Jirno! (Qaybtii-XXIII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>