Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Liverpool Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Sadio Mane

$
0
0

Garowe-(Puntlandpost)-Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa xidigii kooxda Southampton ee Sadio Mane. Liverpool ayaa ku guulaystay saxiixa xidiga xulka qaranka Senegal waxayna ka soo bixisay lacag udhexaysa 30 milyan oo gini ilaa 34 milyan oo gini. Sadio Mane ayaa shalay ka gudbay tijaabada caafimaadka Reds wuxuuna hadda dhamaystiray ku soo biiristiisa Anfield.

War ka ay Liverpool ku shaacisay heshiiska Sadio Mane ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubbada cagta Liverpool waxay maanta cadayn kartaa dhamaystirka saxiixa Sadio Mane oo ay kala soo wareegtay Southampton”.Sidan ayay Reds ku cadaysay dhamaystirka saxiixa Mane.

1

Qoraalka Reds oo sii socda ayaa lagu yidhi: “24 jirkani waxa uu qalinka iyo waraaqda isku duldhigay heshiis waqti dheer ah kadib markii uu ka gudbay tijaabada caafimaadka isla markaana uu Melwood kula gaadhay heshiiska shaqsiga ah. Waxa uu ciyaartoy si rasmi ah oo Liverpool udiwaan gashan uu noqon doona July 1”.

2

Markii uu dhamaystiray ku biiristiisa Liverpool Sadio Mane ayaa farxad ka muujiyay heshiiska uu Anfield ugu soo buuray wuxuuna yidhi: “Maanta waa maalin wayn waxaanan aad ugu faraxsanahay in aan u saxiixo mid ka mid ah kooxaha Yurub ugu waa wayn. Waa koox ku soo guulaysatay koobab badan oo leh taariikh wayn”.

3

Mane ayaa wanaag ka rajeeyay in uu la kulmo shaqaalaha kooxda iyo ciyaartoyda ay isku kooxda noqdeen wuxuuna yidhi: “Hadda waxaan wanaag ka rajaynayaa in aan la kulmo dhamaan shaqaalaha iyo ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay oo aan la bilawdo xili ciyaareedka”.

4

Sadio Mane ayaa laba xili ciyaareed ku soo qaatay kooxda Southampton oo uu 75 kulan uga soo dhaliyay 25 gool waxa uu sidoo kale 36 kulan ka soo muuqday xulka qarankiisa Senegal oo uu udhaliyay 10 gool. Mane ayaa qaab ciyaareed aad u fiican ku soo bandhigay kooxda Saints xili ciyaareedkii dhamaaday. Mane ayaa ku biiraya saxiixyada cusub ee uu Klopp sameeyay oo kala ah Loris Karius iyo Joel Matip iyo  Marko Grujic.

Kayse Muse Ali

Puntlandpost

Garowe

The post Liverpool Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Sadio Mane appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>