Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faahfaahin : Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu kaga hadley siyaasada Puntland iyo Somalia, Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa galabta 27 May,2013 xarunta PDRC ee magaalada Garowe uga qaybgalay banaamij xogwaran ah oo ku saabsan Puntand iyo Somalia.

IMG_0738Xafiiska warfaafinta ee Madaxtoyada Puntland ayaa soo qaban-qaabiyey barnaamijkan looga hadlay Amaanka ,Geedi socodka Dimoqraadiyada Puntland ,Dhaqaalaha ,Dhalinyarada iyo Arrimaha Federaalka Somalia.

IMG_0880Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Ilkajir ,wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa,wasiir ku xigeenka xaanaanada Cabdiweli Xirsi Nuur ,La-taliyaha madaxweynaha ee saxaafada Maxamed Cabdiraxman Maxamed ,Xildhibaano ,saraakiisha kala duwan ee Dowladda ,culimo ,odayaasha dhaqanka ,waxgarad ,dhalinyaro ,aqoonyahano ,haween iyo marti sharaf shisheeya ayaa ka soo qaybgalay.

IMG_0862Barnaamijkan ayaa bilowgii waxa daahfuray Dr.Farole oo ka soo jeediyay khudbad dheer uu kaga hadlay xaaladaha Puntland iyo guud ahaan siyaasada Somalia.

Amaaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dunida oo idil la tacaalayaan arimaha amaanka ,isagoona xusay in Puntland ay ku guuleysatay adkeynta amaankeeda sida dib u habaynta ciidamada ,tababarkooda ,dagaal ay ku qaadeen Al-shabaab buuralayda Galgala iyo kooxaha burcad badeeda ah.

IMG_0800”Kooxaha argagixisada ah waxay doonayaan inay abuuraan colaad aan dhamaad lahayn ,meelna nabad uma rabaa ,waxaan ugu yeerayaa dadweynaha reer Puntland inay midoobaan ,lana shaqeeyaan dowladda sidoo loola dagaalami lahaa argagixisada” Ayuu yiri Farole.

Ciidamada amaanka Puntland ayuu ku amaanay dadaalka ay u galeen xoojinta xasiloonida iyo geesinimada ay muujiyeen ,waxana uu raaciyey in Muqdisho ciidanka deeq-bixiyaashu mushaharkooda bixiyaan halka Puntland ay dowladeedu siiso ciidanka xuquuqdiisa.

IMG_0713Tahriibta dhalinyarada ayuu ka hadlay madaxweynuhu oo sheegay in shaqo yaraani ka jirto Puntland balse la abuuri karo fursado shaqo isagoona ku booriyey dhalinta inay waxbarashadooda dhamaystaan ka dibna shaqo raadsadaan.

Waxa uu soo dhoweyey qodobadii ka soo baxay Shirkii London ee lagu taageeray dadaalada Puntland ee la-dagaalanba burcad badeeda iyo doorashooyinka deegaanka ee dhowaan dhici doona.

Geedi socodka Dimoqraadiyada.

Geedi socodkan ayuu ku tilmaamay madaxweyne Farole wadadii Puntland horey ugu dhaqaaqi lahayd ,waxana uu ku booriyay dadweynaha inay si isku mid ah uga qayb qaataan doorashooyinka deegaanka ee bartamaha July si Puntland mustaqbal wanaagsan u hesho.

IMG_0857IMG_0936”Waxaan ”Xukuumadda” ka shaqaynaynaa sidii aan dib ugu celin lahayn talada shacabka si ay u codeeyaan oo u doortaan cidii hogaamin lahayd,hadii nalaga guuleysto si nabadgelyo ah ayaanu u wareejin doona xilka” ayuu yiri Dr.Farole.

Dhaqaalaaha.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay hoosu dhaca ku yimid Shilinka Somaliga oo saamayn ku yeeshay bixin mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidanka,islamarkaasina keentay in Doolar lagu qaado cashuurta laguna bixiyo kharashaadka dowladda sida ay samaysey DF Somalia.

Heshiiskii DF iyo Puntland galeen March 2013 oo qayb ka ahayd soo daabicida Shilin Somali ayuu sheegay inaan ilaa iyo hadda wax talaabo ah laga qaadin,isagoona raaciyay in Puntland ay ka tashan doonto xalka lacagahaasi.

Arrimaha Federaalka.

Dhismihii Puntland 1998 ayuu dib u jaleecay Dr.Farole oo sheegay in xiligaasi la isla qaatay in Dowladda Soomaliyeed ay qayb ka noqoneyso,islamarkaasina ay dadaalo badan ku bixiyeen sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamkii dowladnimo dalka.

IMG_0784Waxa uu ka digay Dastuurka DF ee June 2012 saxiixayashii geedi socodka nabada Somalia ku heshiiyeen Nairobi in wax laga badalay ,isagoona gacanta ku hayay nuqul ka mida ayuu yiri: ”Dastuurka waa kan keliya oo midayn kara Somalia ,yaa masuul ka ah khiyaanada wayn iyo isdaba marinta lagu sameeyay?.

Ahlu-suna iyo Galmudug oo ka mida saxiixayaashii RoadMapka ayuu ugu baaqay inay u istaagaan difaacida sharciyada Dastuurka.

Arinta dastuurka ayay Puntland kala hadashay Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh, Ergayga UN-ka ee Somalia ,Midowga Yurub ,USA ,Britain iyo Xogayaha Guud ee QM ,waxana uu ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dastuurka qodobo 30 gaaraya wax laga badalay.

IMG_0719Walaac ayuu ka muujiyay dhismaha aqalka sare ee Barlamanka Somalia oo aan weli wax laga qaban ,sida uu sheegayna horey loogu heshiiyay inay qayb ka noqdaan doorashadii Septemer2012 ee madaxtinimada Somalia.

Waxa uu soo dhoweeyey dhismaha Jubaland iyo doorashada madaxweyne Shiikh Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku xigeenka Gen.Fartaaq ,isagoona u hanbalyeeyey dadweynaha Jubaland kuna booriyay gobolada kale inay dhistaan maamulo u gaar ah.

”Waxaan ka digayaa dalka inaan dib loogu celin dagaalkii sokeeye,waxa haboon in la dhaqan geliyo dastuurka dalka u yaal.colaad inaan laga dhex hurin beelaha ,DF waxay leedahay hogaamin malahan farogelin ,waa in dadka loo ogolaadaa inay dhistaan maamulo ay leeyihiin” ayuu yiri madaxweynuhu.

IMG_0792Ugu danbeyntii ayuu amaanay doorka AMISOM ay ka qaatay nabadgelyada Somalia ,sidoo kale u mahaceliyey dalalka martigeliyay Somalida sida Kenya ,Ethiopia ,Yemen ,Ugandha iyo dalalka reer Galbeedka ah.

Dadweynihii ka soo qaybgalay barnaamijkan ayaa su’aalo waydiiyay madaxweynaha oo ku saabsanaa nidaamka axsaabta ,dhaqaalaha ,Jubaland iyo tahriibata dhalinyarada.

Daawo Sawiro kale isla madasha barnaamijka lagu qabtey ee PDRC Garowe.

IMG_0817 IMG_0804 IMG_0783 IMG_0789 IMG_0729 IMG_0724 IMG_0714 IMG_0939 IMG_0841 IMG_0843 IMG_0857 IMG_0896 IMG_0893 IMG_0903 IMG_0930 IMG_0898Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>