Isbahaysiga midaynta iyo rajo soo celinta Soomaaliyeed ee RAJO ayaa muwaadiniinta soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Sanadguuradii 56aad ee ka soo wareegtay Maalinta Xoriyada iyo midowgii Soomaaliya ee 1-da Luuliyo ee Sanadkan 2016ka
Fariinta isbahaysiga rajo ee sanadkan ayaa xooga saaraysay xaaladda dhaqaale ee ba’an ee haysata Muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadanka,waxayna ka digeen hadii xaaladaasi ay sii socoto in ay dhici karaan qalalaase iyo Kacdoon shacab.
Cabdicasiis Maxamuud Maxamuud oo ka mid ah masuuliyiinta Isbahaysiga rajo ayaa sheegay in 1-da Luuliyo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu duwan tahay maalmaha kale, waa maalintii dadka iyo dalka soomaaliyeed ay xoroobeen, islamarkaana ay midoobeen
“Maanta oo kale 56 sanno ka hor waxaa isu soo baxay Labo malyan iyo shan boqol oo kun oo qof oo Somali ah, dadkaasi waxay joogeen magaalo iyo miyi, dadkaasi waxay u dabaaldegayaan maalin ay ka guulaysteen gumaystihii Nacabka ahaa oo wadanka haystay iyo calooshood u shaqaystayaashii la shaqaysan jiray, dadkaasi waxay u arkayeen in dalkan uu ku dambayn doono barwaaqo, in dadka ka dambayn doona aan mar dambe la gumaysan doonin , in aan qof soomaaliyeed mar dambe la quursan doonin, in qofka soomaaliga ay u dhimantahay cisi iyo sharaf, taasi weeye hamigii ay lahaayeen Waalidkeen, 56 sanno ka dib riyadaasi ma rumoobin, rajadii ay waalidkeen lahaayeen xaqiiq ma noqon” ayuu yiri Cabdicasiis Maxamuud, wuxuuna sii raaciyay.
“ Dooda ugu weyn ee maanta shacabka dhextaalaa waxay tahay somaliya ma dal xoraa mise xor ma aha, Meeshaas ayaad ka garan kartaa murugada iyo niyad jabka dadkeena haysata” ayuu yir
Dr Cabdicasiis wuxuu xusay in Dalkeena hooyo aysan ka jirin meel kaliya oo qofka soomaaliyeed uu ka heli karo Adeegyadda asaasiga ee waxbarshada, caafimaadka iyo biyaha oo lacag la’aan ah
Gees kale, Cabdicasiis waxaa kaloo uu sheegay in shaqo la’aan Baahsan ay dalka ka jirta, iyadoo 25% ay yihiin dadka shaqeeyaan, halka 75% dadka shaqayn kara ay guryahooda iska fadhiyaan oo aysan haysan shaqooyin
“Somaliya, waxaa ku nool 9 milyan oo qof, laakiin tirokoob ahaan waxaanu ognahay in dadka shaqeeyaan somaliya ay yihiin oo kaliya 25% dadka, 75% kalena ay yihiin dad shaqayn kara, balse aan shaqo haysan. 25% shaqeeya sanadkii isku celcelis ahaan dakhlig soo gala kama badna $1000 dollar” ayuu yiri
Sanadguuradii 56aad ee ka soo wareegtay Maalintii ay midooboon dadka soomaaliyeed, islamarkaana ay calan kaliya wada yeesheen oo ku beegan 1-da Luuliyo oo sanad kasta la xuso, ayaa guud ahaan magaalooyinka waaweyn somaliya waxaa lagu qabanayaa munaasabado lagu xusayo sanadguurada 1-da Luuliyo.
The post Isbahaysiga Rajo oo ka digay Kacdoon Dadweyne Haddii Xaalada Dhaqaale ee Dadku Sida Hadda Tahay eey sii ahaato. appeared first on Puntland Post.