Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Weerar lagu Dilay Lix Qof oo ka Dhacay Duleedka Mandheera

$
0
0

Lix qof ayaa ku dhintay in ka badan labaatan kalana way ku  dhaawacmeen weerar lagu qaaday Bus rakaaba oo marayay deegaan ka tirsan magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

 Madaxa booliiska Kenya Joseph Boinnet, ayaa warbaahinta gudaha Kenya u sheegay in ciidamada Ammaanku ay tageen goobta islamrkaa ay xaqiijiyeen in dadka dhintay ay yihiin lix qof, waxana uu intaasi siiraaciyay in dagaalka ay kula jiraan Argagaxisadu sii socon doono.

Weerarka ayaa imanaya maalin kadib markii Mareykanku uu qeyba ka mid ah Kenya ka soo saaray digniino dhanka socdaalka ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkan balse Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocan oo kale ah ka gaysata gudaha Kenya.

PUNTLAND POST

The post Weerar lagu Dilay Lix Qof oo ka Dhacay Duleedka Mandheera appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>