Waiirka arrimaha guddaha ee Dowlad goboleedka Puntland Gen. C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo isagana maanta kala qayb galay Madaxweynaha Puntland barnaamij Su’aalo lagu weydiinayey ayaa dhankiisa sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland ay buuxisay shuruudihii sharciga Federaalka , wuxuuna ku booriyey Dowlada Federaalka, kol haddii maamulka Jubbaland ay buuxisay shuruudihii sharciga Federaalka in la aqoonsado.
Wasiirka ayaa ku goodiyey ” haddii la hareer maro sharciga Federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay , Puntland waxay kala noqanaysa dowlada Federaalka ee Soomaaliya kalsoonida “. ayuu Gen. Ilkajiir.
Sikastaba, Puntland ayaa tan iyo intii sida sharciga waafaqsan lagu doortay Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa dowlada Jubbaland hiil iyo hooba la garabtaagnayd Maamulka uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan oo 15-kii May lagu doortay Gudaha magaalada Kismaayo.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland