Abaarihii Totobadii Fiidnimo ee Caawa (07:00) ee Saacada Afrikada bari, ayaa waxaa weerar madaafiic ah kusoo qaaday Garoonka diyaaraahaee magaalada Kismaayo kooxaha Al-shabaab, waxaana weerarkani madaafiicda ah uu imaanayaa Xilli ay Garoonka Diyaaradaha ay ku suga yihiin Wasiiro ka tirsan DF ee Soomaaliya oo Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku xayirnaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Lama garan karro khasaaraha dhabta ah ee meeshaas ka dhashay , waxaase weerarkaas madaafiicda ah, si toos uga jawaabay Ciidamada AMISOM ee Kenya ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Wararka aanu helayno Kismaayo ayaa sheegaya in cabsi ba’an ay soo foodsaartay Wasiirada DF ka socday, isla markaana ay codsadeen in masuuliyiinta AMISOM ay amaankooda sugaan , waxayna ciidamada Kenya usoo kaxeeyeen meel garoonka u dhow oo ay yaalaan Containaro , halkaas oo ay Caawa ku baryi-doonaan , maadaama ay u baqeen amaankooda.
Wasiiradan, oo ay madaxda Jubbaland ay u diideen inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo , ayaa tan iyo maalinkii shalay ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo lala sugayo diyaarad dib ugu celisa magaalada Muqdisho ee ay markii horeba ka yimaadeen.
Wixii soo kordha, kala soco wararkeena danbe inshaa’alah.