Waxaa dhismay aasaas dowladnimo….yaase garanaya oo ka faa’idaysanay?! Alloow iyagoo maalinkaas wada gartay Soomaaliya meesha ay taal oo wax kasta oo jira liqa oo dowladooda la shaqeeya…..waayo aragnimo yari badan baa jirtay, laakiin dadku intiisa badan waxay rumaysanyihiin colaaddii beeluhu isu qaadeen oo kleiya inay dadka garashadii ka qaadday, waxaase hubaal ah inay yarayd aqoonta ay u leeyihiin dowladnimmada iyo qarankii ay iska burburiyeen, waxaa hubaal ah inay yarayd aqoonta ay u leeyihiin cadowgooda baaxaddiisa iyo awoodda uu leeyahay, waxaa hubaal ah inay yarayd aqoonta ay u leeyihiin tirade saaxiibbada iyo nacabka ay dunida ku leeyihiin, waxaa hubaal inay yarayd aqoonta ay u leeyihiin nooca gaarka ah ee ay yihiin iyo meesha Alle ku beeray!….xisaabo badan baa ka khaldamay!….
Waa run dowlad baa la aasaasay, cillado ha jiraan, musuqmaasuq kasta ha jiro, murashaxiintii madax-weynenimmada u tartamayay waxaa inta la hubo si aad ah u ololeeyay oo lacago iyo kharaj ku baxshay madax-weynihii la doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isagu ahaa ninka lacagta ugu badan ku bixiyay ololihiisa, waxaana iloo ku dhow-dhowaa ay sheegeen ilaa 900 kun oo dollar inka badan inuu ku baxshay doorashadaas, waxaa ku soo xigay ganacsade reer Nairobi ahaa oo lagu magacaabayay Jaylaani Cali Kediye, oo ololihii doorashadiisu ay ku baxday ilaa 300 kun oo dollar, iyo Faarax Wehliye Cadow (Faarax-Sendiko) oo isaguna lagu ilaa 160 kun oo dollar. Max’ed Qan-Yare Afrax ayaa isaga lagu sheegay inuu ololihiisa dooarashada u adeegsaday nidaam macquul ahaa oo isagu la yimid, wuxuuna sameeyay markii ay soo dhowaatay doorashada ayuu hoteelo dejiyay cuntadoodiina meel saaray, nin kasta oo dan yar ahaa oo ka mid ahaa Xil-dhibaannada una kireeyay gaadiid ay ku adeegtaan oo magaallada ku maraan.
Xil-dhibaannadii waxay xirteen oo ay sharciyeysteen in nin aan xil-dhibaan ahayn oo aan ku jirin barlamanka aan waziir laga dhigi karin, waxay isu qoreen mushaar aad u fara badan oo gaaray 1700 oo dollar Maraykanka ah, waxaas oo dhan waxy ku tusaalayniyaan sida siyaasiyiinta dalka hoggaaminayso aysan uga war hayn ama uga naxayn dhibaatooyoinka dadka haysta, waxayna niyad jab hor leh arrintaas ku ahayd dad-weynaha Soomaaliyeed oo ay dhegta u taagnayd maxaa soo yeeri doona?….madax-weynaha la doortay wuxuu bilaabay inuu ka fekeromagaacaabista ra’iisal wazaaraha, wuxuu wada tashiyo la samayniya dad gaar ah oo ay xagga siyaasada ku bahoobeen….Waxaa iyagana dhinacooda ninka ay kula haboontahay inuu jagdaas qabto soo jeedinayay qaar ka mid ah erggeda shisheeyaha, waxaa iyagana dhinacooda ka ololeyniyay xil-dhibaannada oo dhowr nin oo kala duwan soo jeediyay…
Si kastaba ha ahaatee, November 03, 2004, waxaa kulankii xil-dhibaannada ee ka socday Mbagathi soo hor istaagay Cali Max’ed Gaadii oo loo dhaarityay inuu yahay xubin cusub oo ku soo biirtay xil-dhibaannada. Horay ayaa loo hadal hayay in nin lagu magacaabo Cali Max’ed Geeddi laga dhigay ra’iisal wazaare, si ay sharci noqoto inuu xilkaas qabtana uu Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed-DHeere) u banayniyo kursigiisa….Isla habeenimmadiina Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed baa hotel-ka Norfolk ee magaallda Nairobi uga dhawaaqay in Cal Max’ed Geeddi uu u magacaabay ra’iisal wazaarihii xukuummadda…..waxaa jiray nux-nux faro badan oo intii Cabdullaahi Yuusuf la doortayba bilaabatay oo looga soo hor jeeday madax-weynaha, hasa ahaatee taas macnnaheeda ma ahayn inay isaga ku gaar ahayd ee waxay ahayd arrin nin kasta oo madax-weyne ku soo baxa dhowraysay ama uu filan karayay…
Waxaa si dhaqso ah u bilowday dhaqamo la filayay, dhaqamo shir kasta oo Soomaalida loo soo qabtay caado u ahaa, iyadoo aan wali talaabo la qaadin ayaa waxaa bilowday in gooni-gooni look ala shiro, waxaa sidoo kale soo if baxay qaar ka mid ah Qabqablayaashii Muqdisho oo markiiba bilaabay inay dhiliilaan Geeddi….Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf oo markii horaba uusan xiriir fiican ka dhexeyn Af-hayeenka golaha shacabka SHariif Xasan wuxuu isagu bilaabay waliba si dhaqso ah dadaal uu ku doonayo inuu xiriir sokeeye la yeesho Af-hayeenka, laakiin dhinaca SHariif Xasan wuxuu u ekaa nin barnaamij u qoran ku socda oo aan waxba ka bedelayn….
Waxaa kaloo iyadana sheeko aan la qarsanayn noqotay oo mararka qaar soo dhaafaysa afka xil-dhibaannada in guddoomiyaha barlamanka loo baahanyahay inuu waziirrada la soo magacaabayo oo uu wax ka soo magacaabo haddii kale…..ilaa waqtigaas SHariif Xasan uma muuqanayn tilmaamo badan oo lagu sifeeyo oo meeloo badan looga sheekeeyo inuu dhaqankooda leeyahay, laakiin waxaa arrin cad ahayd oo aan waliba lagu ceebeeynayn inuu xiriir aad u dhow la lahaa Qabqablayaashii ka soo jeeday Muqdisho oo aan iyaga ku farxin Cabdullaahi Yuusuf iyo inuu magacaabay Geeddi aadna uga caga jiidayay talo kasta oo dhinacooda soo marta.
KHilaafkii ugu horeeyay ee si cad u soo if baxa ee dhex mara Af-hayeenka iyo madax-weynaha wuxuu ka dhashay markii uu ra’iisal Geeddi soo magacaabay waziirradiisii u horeeyay, December 06, 2004, oo munaasibaddii la rabay in lagu dhaariyo inta lagu marti qaaday SHariif Xasan uu diiday inuu ka soo qayb galo munaasabaddas, waxaa taas ka sii darnaa in xubno ka mid ahaa raggii la magacaabay oo Qabqablayaasha Muqdisho ka mid ahaa aysan iyagana ka soo qayb gelin munaasabaddii lagu dhaarin lahaa…..oo maxaa dhacayna?!
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXIX) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.