Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay ciyaar u dhexaysey labo kooxood

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa galabta 07-July-2016  xarunta Jimicsiga iyo ciyaaraha ee “Place to Be” ee magaalada Gaalkacyo kaga qayg galay ciyaar lagu maamuusayey farxadda ciidda oo u dhexaysey labo kooxood oo kamid ah Sports-ka magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale  waxaa iyana kasoo qayb galay ciyaarta guddoomiyaha gobolka Mudug, duqqa kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo, agaasimayaal, maamulka Garoonka iyo dadkii usoo daawashada tegey ciyaartaasi u dhexaysey labadaasi kooxood.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa markii uu ciyaarta furay kadib waxa uu dhex galay qaybo kamid ah dhallinyaradii daawaneysey ciyaarta waxaana uu Madaxweynuhu qof-qof ugala sheekaysay xaaladohooda guud ahaaneed oo ay ugu horrayso hammigooda dhinaca waxbarashada iyo caqabadaha jira.

Dhalliyaradii ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey sida uu  ugala soo qayb galay ciyaarohooda iyo  sida uu usoo dhexgalay isla markaana uu  mid-mid ula sheekaystay, waxaanay intaasi sii raaciyeen in aanay fileyn weligood in madaxweyne ugu imaan karo iyagoo ku sugan goobohooda ciyaaraha.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa badanaa kulamada noocan oo kale ah si kedis ah ula qaata qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyagoo ku sugan goobohooda ganacsiga, waxbarashada iyo ciyaaraha, taas oo uu uga gol-leeyahay in uu muujiyo amniga ka jira Puntland iyo kalsoonida buuxda ee uu ku qabo shacabkiisa.

—DHAMMAAD—

XAIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_8960 IMG_8963 IMG_8964 IMG_8967 IMG_8970 IMG_8973 IMG_8977 IMG_8979 IMG_8981 IMG_8985 IMG_9001 IMG_9007 IMG_9011 IMG_9013 IMG_9014 IMG_9015 IMG_9019 IMG_9026 IMG_9030 IMG_9037 IMG_9038 IMG_9040 IMG_9045 IMG_9047 IMG_9052 IMG_9055

The post Warbixin+Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay ciyaar u dhexaysey labo kooxood appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>