Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL II) 42aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

dujaannah
Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu wax kasta ka jeclaa in xarunta ay dowladdu degayso noqoto Xamar laakiin way iska cadayd inaysan taas sahal ahayn, waayo Muqdisho marka laga soo tago Xasan Daahir Aways iyo ciidammada uu haystay oo iyagu la ogaa inaysan wax xiriir la lahayn dowladda Mbagathi lagu soo dhisay, isla markaasna ahaa ama si aan madmadow ku jirin loo wada arkayay inay dowladda lid ku yihiin,waxayna ahayd arrin lagu tyalo galay, laakiin waxaa arrintii sii adkeeyay, wziiro dowladda ka mid noqday, oo hubaysan kana soo jeeda Muqdisho oo shaki ka qabo inay dowladda hubka ku wareejiyaan,  waxaana qaarkood ka muuqanayay inay dowladda diidanyihiin marar badan oo ay hadleen, waxaan jiray tuhun isa soo tarayay oo ah in dowlado shisheeye ay lug ku leeyihiin sida arrimaha socda siiba dalka Maraykanka, hasa yeeshee dowladdu way ka aamustay oo kama hadlain, waxayna ku dadaashay oo ay door bidaysay inay iyada laf ahaanteed xiriir iyo saaxiibtinimo dhow la samaysato Maraykanka, mase dhicin.

 

Kala qaybsanaanta dowladdii la soo dhisay ku dhacday waxay ahayd walaac hor leh, qaar badan oo xil-dhibaannada ka mid ah tilmaamayeen in dib loogu noqday Waayihii- Qabqablayaasha, dad badan baa waxay ka shakisanaayeen in waxa socda ay ka dambayso dowladda Itoobiya, oo iyada ay ku tilmaameen labdii dhinac ee si qabta mid kasta inay hubaynaso, kuwo kale waxay rumaysnaayeen in dowladda Masar oo diidayasa Cabdullaahi Yuusuf ay Qabqablayaasha Muqdisho adeegsanayso. Xubno yar oo ka mid ah xukuummadda ayaa iyagu ka shakisanaa Maraykanka, hasa yeeshee aamusnaanta dowladihii IGAD, ururka Midowga Afrika, iyo Midowga Yurub, intaba waxay astaan u ahaayeen in Qabqablayaasha Muqdisho ay Qandaraas- Hawleed (Contract) ka qaateen safaaradda Maraykanka.

 

Wada hadalo badan oo aan look ala kicin, iyo qadaa-dhig faro badan oo lagu sameeyay halka dowladda ay sal-dhiganayso haddii ay dalkii u guurayso ka dib waxaa heshiis lala gaaray Gudoomiyihii gobolka SHabeelaha-DHexe Max’ed Cumar Xabeeb oo isagu markii horaba ay xulufo dhow ahaayeen madax-weynaha la doortay Cabdullaahi Yuusuf ayaa laysaku af gartay in dowladdu ay si ku-meel gaar ah ugu sii shaqayso magaallada Jawhar ilaa arrimaha Muqdisho laga maaraynayo. Waxaa jiaray warar sheegayay in Max’ed-DHeere lacag looga kiraystay degistii ay dowladdu degtay magaallada Jawhar iyo xafiisyadii maamulkiisa.

 

Isla waqtiyadaas waxaa dhinaca Muqdisho ka bilowday shirar iyo wada hadalo u dhexeeyay kooxaha kala duwan ee wadaaddada oo ay ku doonayeen inay ku mideeyaan awoodooda, garabyadii Al-Itixaad-Al-Islaam ee magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku hareeraysan ayaa waxaa u socday kullano ay dib isugu habayniyaan si ay mar kale dib isugu soo laabtaan, waxaana ka soo qayb galay culumo faro badan oo doonaya inay mar kale isu keenaan oo dib u abaabulaan awood ciidan oo ay leeyihiin wadaaddadu. Arrimahan waxay sii cuslaysiiyeen ama sii fogeeyeen rajadii ay xukuumadda cusub ka qabtay inay  si dhaqso ah dib ugu degto magaallada Muqdisho….Qbqablayaashii oo ciidammadoodii haysta dhinacna sheeganaya ianay dowladda ka mid yihiin, iyo wadaaddadii oo is abaabulaya.

 

Waxaa iyadan jiray tuhun la xiriira in dowladdu haddii ay degto Jawhar ay ku shaqayn karayso iyo in kale, maxaa yeelay dad badan ayaa rumaysnaa in Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed- DHaeere) laf ahaantiisa uusan wax badan fikradda kaga duwanayn Qabqablayaasha Muqdisho jooga….dadkaas ayaa ku talinayay dowladdu ay degto Garowe ama Baydhabo, waxaase jiray dareen ah in haddii dowladda ay Garowe degto ay keeni karto inay abuurto xasaasiyad faro badan, waxaana markii u dambaysay laysku raacay in dowladdu degto magaallada Jawhar ee xarunta gobolka SHabeelaha DHexe.

 

Bishii June13keedii, 2005, ayaa waxaa xaflad soogitin ah oo aad loo soo agaasimay madaxtooyada dalka Kenya loogu qabtay madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana xafladdaas sagootinta ah ka soo qayb wakiilkii Qarammada Midoobay ee cusbaa Francis Fall, xogayahay guud ee IGAD, Guddoomiye ku-xigeen barlamanka Max’ed Cumar DHalxa, ra’iisal wazaare Geeddi, xubno kale oo faro badan oo ka kala socday labada gole ee dowladda cusub, dhinaca Kenya waxaa ka soo qayb galay madax-weynihii martida loo ahaa Mwai Kibaki iyo xubno ka kala socday golayaasha dowladda Kenya.

 

Waxaa iyagana soo buuxiyaya gigada diyaardaha ee caalamiga ah ee Jommo Kenyatta dad-weyne badan oo Soomaaliyeed oo deggenaa magaallada Nairobi, iyagoo waliba qiiraysan oo ay ka muuqato yididiil iyo rayrayn farxadeed oo tilmaamaysa sida ay rajo uga qabaan inay dalkoodii dib ugu laabtaan. Waxaa madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf ku sagootiyay gigada diyaaradaha madax-weynihii Kenya Kibaki, xubno ka kala socday labada gole ee dowladda keenya oo ay ku jiraan hawl-wadeennadii ka soo shaqeeyay shirkii Mbagathi, iyo ergooyin kale oo shisheeye ah, wuxuuna salaam ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammad dalka Kenya, waxaana diyaaraddiisa ay cagaha dhulka ka qaaday qorraxda oo baalka sii dhiganaysa…. In kastoo la sacbinayay qof kastana gacan haadinayay hadana wali weydiimo badan baa ka taagna halka uu safarka madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf ku dhamaanayo, waxaana la rumaysnaa inuu u duulay magaallada Muqdisho, dad yar baan xaqiiqdii ogaa inuu madax-weynuhu u socday magaallada Jawhar ee xarunta gobolka SHabeelaha- DHexe, balse waxay ahaan lahaydba habeenkaas wuxuu u hoyday magaallada Djibouti ee dalka Djibouti, isagoo laga sugayo ma gaallada Jawhar…..maxaa xigay? Xukuumaddii wali Kenya ayeey joogtay…..guud ahaan xil-dhibaannadii taageersanaa madax-weynaha iyo xukuumadda wali ma bixin…..

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL II) 42aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>