Rwanda-(Puntlandpost) – Kulankaani oo u dhexeeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta, ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Siyaasada, Amaanka, doorashada iyo arrimo kale oo la xiriira muranka Badda Somalia.
Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda, gaar ahaan hoolka martida oo dhinaca ku haya Hoolka uu iminka ka socdo shir madaxeedkii 27aad ee Ururka Midowga Afrika.
Madaxweyne Xassan ayaa dhigiisa Kenya ku amaanay sida ay ciidamada Kenya uga qeybqaadanayaan dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka Al-shabaab, waxa uuna sidoo kale ka mahadceliyay sida wacan oo ay uga qeybqaadanayaan kobaca Siyaasada, Amniga Somalia.
Madaxweyne Xassan ayaa intaa kadib u guda galay arrinta Muranka Badda Somalia, waxa uuna Kenyatta u sheegay in Somalia aysan ka raali noqon doonin inay xumeyso xiriirka kala dhexeeya Kenya, gaar ahaan xuduudaha ay kawadaagan Badda iyo Barriga.
Xassan Sheekh waxa uu Kenyatta uga farxiyay in Dowlada Somalia ay culeyska saari doonto Maxkamada cadaalada si dacwadaasi dib u dhac loogu sameeyo si ay mar kale uga wada hadlaan muranka.
Xassan waxa uu sidoo kale Uhurro Kenyatta u cadeeyay in mowqifka dowladiisa uu yahay inaan la buunbuunin muranka Badda, waxa uuna ballanqaaday in lasoo afmeeri doono wax waliba oo ay ku qaadato.
Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ayaa soo dhaweeyay ballanqaadka Xassan Sheekh ee ku aadan xoojinta xiriirka iyo xal ka gaarista muranka Badda Somalia.
Kenyatta waxa uu dhankiisa ka ballanqaaday in waxbadan uu ka bedeli doono xiriirka labada dal waa haddii ay Somalia laado muranka Badda ee horyaal Maxkamada cadaaladda.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA.
Kayse Muse Ali
Puntlandpost
Garowe
The post Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Kenyatta oo ka hadlay kiiska badda Somalia appeared first on Puntland Post.