Dowladdii waxay dib ugu laabatay Soomaaliya, labadii goleba, golihii shacabka iyo golihii fulinta waxay dib u degeen dalka, madax-weynihii, ra’iisal-wazaarihii iyo xubnihii la socday ee golayaasha xukuumadda ee Jowhar ku sugnaa waxay bilaabeen wada tashiyo, waxaa la galay shirar aan loo kala kacayn, shirar wada daal ah oo wixii ka soo baxaa aan melna la geynayn….waxaa iyagana magaallada Muqdisho ku sugnaa Af-Hayeenkii barlamanka, Qabqablayaashii Muqdisho iyo xil-dhibaannadii la socday, Qabqablayaasha ayaa ka mid ahaa golaha xukuumadda isla markaasna wali ahaa qabqablayaal ciidammadoodii, xarummahoodii iyo hubkoodii haysta, waxayna kala ahayaan ; Qan-Yare oo ahaa waziirka amniga, Suudi waziirka ganacsiga, Cumar-Finish waziirka Diinta, iyo Bootaan Ciise oo ahaa waziirka dhaqan celinta iyo hub ka dhigista.
Waxaa iyadana jiray shaki weyn oo soo baxayay oo laga qabay in Qabqablayaashaas Muqdisho ee dhinaca kalana ah waziirrada ay bilaabeen abaabul colaadeed oo ay doonayaan inay ku soo qaadaan sal-dhigga xukuumadda ee magaallada Jowhar, waxaan iyadanna aan si cad u qeexnayn xiriirka ka dhexeeyay Max’ed-DHeere iyo qabqablayaashaas, laakiin waxaa arrin aan qarsoonayn iska ahayd in Max’ed-DHeere uu isaga ahaa awoodda keliya ee Jowhar ka jirta, isagoo aan xil-dhibaan iyo waziir midna ahayn, wuxuuna ixtiraami waayay dowladdii ugu soo martisay dalkii ay dowladda ka ahayd, ilaa ay arrintu gaartay inuu iska xir-xirto ilaalladii madax-weynaha ama uu u caga jugleeyo xubno golayaasha dowladda ka mid ah…..dowladdii waxay arrinteedii noqotay Inteen Ka Baxaa Meel Allah!……
Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu wda tashiyo hoose oo uu la yeelanayo xubnihii uu ku kalsoonaa ee Jowhar la jooga kana kala tirsanaa labada gole ee dowladda si loo helo meel ugu yaraan ay dadku ammaan dareemayaan, meel ugu yaraan waziirka iyo xil-dhibaanka ay dareemayaan inay huwanyihiin awooddii qaynuunka dalka uu siiyay….xubno badan oo ka mid ahaa golayaasha ayaa jeclaan lahaa in dowladdu u guurto magaallada Garowe ee xarunta Puntland, laakiin taas waxaa diidanaa xubnaha Puntland ka soo jeeday oo uu ku jiro madax-weynaha oo iaygu rumaysnaa inay taasi keenayso xasaasiyad hor leh iyo inuu kor u kaco khilaafka hadda dowladda u dhexeeya, waxaana jirtay in tuhun noocaas ah ay horay u qabeen SHariif Xasan iyo Qabqablayaasha Muqdisho ee uu xulufada la noqday.
August17, 2005, Shariif Xasan SHiikh Adan ayaa dib ugu laabtay magaallada Nairobi oo uu markaas dhowr bilood sii moogaa, waxaa isla markiiba gigada diyaaradaha Wilson uga hor tegay oo ku qaabilay Kapligat iyo Max’ed cabdi Afeey, ujjeeddada u weyn ee ay labadaas Wwaxay ahayd inay wada hadalsiiyaan isaga iyo ra’iisal wazaaraha Cali Max’ed Geeddi oo markaas ku sugnaa magaallada Nairobi si loo maareeyo khilaafka u dhexeeya Af-Hayeenka iyo madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha, wuxuuna SHariif Xasan sheegay inuu oggolyahay wada hadalkaas oo loo balamay inay qabsoomaan labo maalin ka dib (August19,2005) waxaana lagu balamay hotel Sarena magaallada Nairobi……laakiin shirkii ma qabsoomin, oo maxaa dhacay?!
Ma ahayn arrin lama filaan ah inay dhacdo, mana ahayn runtii mid laga filaayaySHariif Xasan SHiikh inuu maqnaanayo cudur daar la’aan maddaama uu oggolaaday inuu shirkaas ka soo qayb galo…..xubnihii kale ee shirkaas ka qayb qaadan lahaa oo uu u horeeyo ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi, Cabdi-Razaaq Cusmaan Xasan (Juriille) Waziirkii xiriirka gobolka ee dalka Kenya, John Koech, Francis Fall wakiilkii Qarmmmada Midoobay, iyo Max’ed Cabdi Afeey safiirkii dowladda Kenya ee Soomaaliya. Waxaa la go’aansaday in laga sugo ilaa war laga helayo, 10daqiiqo, 20daqiiqo,….Waxaan qiyaasayaa in saacad wax dheer loo fadhiyay isla markaasna wax kasta laysku dayay si loola xiriiro laakiin la gaari waayay……runtii maalinkaas waxaan garowsaday in wax weyn khaldanyihiin, waxaan garowsaday arrintu inaysan ku ekeyn oo keliya cannaadkii aan ku baranay nimanka siyaasaddii dhammaeyd ee dalka af-duubtay ee ay jiraan wax wali innaga qarsoon, hasa ahaatee wax kastaba ha qarsoonaadaanee ragga siyaasiyiinta ah ee markaas siyaasaddii Soomaaliyeed hor boodayay SHariif Xasan keliya ma ahee way yaraayeen dad arki kara ama garan kara khatarta dadlaka ku sugan yahay waan jireen kuwo iyagoo u jeeda danahooda keliya ka raacday……
Waxaan tuug wax xaday hal denbi buu gala laakiin qofka wax laga xaday boqol denbi! Maalintaas , iyadoo ay markii horaba siyaasadda SHariif Xasan iska muuqatay hadana waxay arrintan muujinaysay in dalku uusan wali ka bixin gacantii Qabqablayaashii burburiyay…..waxay kaloo muujinaysay in arrimihii dalka ay dhaafeen gacmaheenii……waxaa iyadana jiray, marka laga soot ago eedaha ay soo jeediyeen ra’iisal wazaare Cali M. Geeddi iyo wakiilkii QM Farancis Fall oo iaygu SHariif Xasan ku eedeyniyay inuu ka baaqsaday inuu yimaado shir dib u heshiisiin ahaa, tuhun ay xubno kale oo ka tirsan barlamanka qabeen oo ah in Qabqablayaashii Muqdisho ay u diideen inuu soo fariisto shirkaas dib u heshiisiinta ahaa.
Dowlad baan dhisanay, labo madax-weyne baa xilkeedii la kala wareegay, maamul baan soo aragnay dowladnimaan soo aragnay….shaki iigama jiro Qabqablayashii muqdisho dowladnimo ma aysan rabin, shacab-weynaha muqdishana been bay u sheegayeen oo waxay isu ekeysiinayeen inay dowladnimo rabaan…..Dowladdii caasimaddii bay ka hor joogsadeen, oo waxay u muddeeyyeen90 maalmood gudahooda inay Muqdisho ku timaado, SHariif Xasan waxay u sheegeen haddii ay waqtigaas ku imaan weydo adigaa sharci ahaan inta madax-weyne cusub laga soo dooranayo xilka sii haynay oo madax-weyne noqonayaniman ay ku jiraan diplomats shisheeye ah baa horay SHariif Xasan hadalladaas ugu yiri intii uusan u guurin Muqdisho!……oo waa hagaagee side Muqdisho dowladdu u tagtaa?!….
Bari lasoco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XL IV) 44aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.