Garowe(Puntland Post)-Dhawaan ayuu Madaweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waraaq uu u diray Baarlamaanka, mudo 4 bilooda ugu daray Gudiga Maxkmada sare ee Puntland oo uu ka dhamaaday mudadii ay shaqada joogi lahaayeen.
Hadaba Baarlamaan Puntland oo kala fadhigooda 37-aad uga socdo Magaalada Garowe ayaa cod u qaaday muda kororsiga uu Madaxweyne Gaas u sameeyey gudiga Maxkamada sare, waxayna Baarlamaanku cod aqlabiyad leh ku diideen Tigreeda uu Madaweynuhu wakhtiga 4-ta bilood ah ugu kordhiyey Maxkamada Sare.
Madaxweyne Gaas ayaa xaq u leh inuu mar kale Baarlmaanka ku celiyo inay cod u qaadaan tigreediisa, isagoo sababo muuqda kusoo lifaaqaya sida uu qabo Dastuurka Puntland.
Gudiga Maxkamada sare ayaa ka kooban 5 xubnood oo kala ah Gudoomiyaha, ku-xigeenkiisa iyo sadex Garsoore, lamana oga xiliga uu sida rasmiga usoo magcaabi doono Madaxweynuhu, maadama ay Baarlamaanku diideen inay xubnihii hore shaqada sii wadaan.
PUNTLAND POST
The post Baarlamaanka Puntland oo diiday in wakhti dheeraada loogu daro Gudiga Maxkamada sare appeared first on Puntland Post.