Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland oo Maraykanka Shirar uga qayb galay

$
0
0

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf oo hawlo shaqo u jooga dalka Maraykanka ayaa maanta ka qayb galay dood cilmiyeed lagu qabtay Jaamacadda Cleveland State University, xilli uu halkaasi ka soconayey shirka Republican National Convention.

Ujeeddada doodda ayaa ahayd “Mustaqbalka Dimuqraadiyadda Qarniga” ama “The Future of Democracy in the 21st century“ iyadoona halkaasi si qoto dheer loogu lafo guray hannaanka mustaqbalka Demuqraadiyadda caalamka.

Agaasimaha Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxa uu ka qayb  galay dood cilmiyeed kale oo lagu qabtay mac-hadka International Republican Institute e magaalada Cleveland OHIO doodaas oo lagu qaadaa dhigayey sidii xisbiga Republican-ka u hanan lahaa siyaasadda Mustaqbalka.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa lagu casumey in uu ka qayb galo shirweynaha xisibiga Republican-ka uga socda magaalada Cleveland OHIO, si uu uga kororsado khibrad iyo waayo aragnimo la xiriirta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka axsaabta,

Agaasime Deeq ayaa muddada uu ku sugan yahay carriga maraykan ka waxa uu ka qayb geli doonaa shirarkale oo muhim ah, kuwaas oo la xiriira hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalkaasi maraykanka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
13711573_1110167712380963_1830478252_o 13720424_1110167882380946_199193110_o 13730730_1110167622380972_396286275_o 13814605_1110167932380941_1824480261_n 13815180_1110167909047610_3770495_n 13815254_1110167819047619_1498038135_n 13816887_1110167662380968_52076200_n

The post Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland oo Maraykanka Shirar uga qayb galay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>