Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xulka Puntland oo u soo baxay Finaalka Tartanka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post) Xulka kubada cagta Puntland ayaa u soo baxay Finaalka tartanka koobka Dowlad Goboleedada Soomaaliya, kadib markii ay 1-0 ku garaaceen Hiiraan /Shabeelaha dhexe.

Ciyaartan oo  ka dhacday garoonka Koonis ee Magaalada Muqdisho ayaa ahayd mid aad u kululayd una xiiso badnayd waxaana ayaa qeybteedii hore lagu kala nastay 0-0.

Markii la isku soo laabtay labada xul ayaa sameeyay fursado wanaagsan oo gool loo filan karay waxaana ugu dambeyntii shaqaba soo taabatay xulka Putland dhammaadkii ciyaarta.

Yacquub Cismaan ayaa dhaliyay goolka kaddib kubad u soo tufay  goolhayaha Hiiraan /Shabeelaha dhexe,Yacquub ayaana ah cayaar yahanka ugu goolasha badan tartanka isagoo dhaliyay 4 Gool .

Seeriga oo afka lagu hayo ayaa waxaa kaarka cas ka qaatay xulka Puntland Yaasiin robinho oo maqnaan doona ciyaarta Finaalka.

Puntland ayaa Finaalka maalinta  Isniinta la ciyaari doonta xulka Jubbaland oo shalay soo baxay.

PUNTLAND POST

The post Xulka Puntland oo u soo baxay Finaalka Tartanka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>