Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Jeneraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caarre), oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
“Jeneraal Caare waxa uu ahaa shaqsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu sameyn lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.
Allaha u naxariistee Generaal C/raxmaan Warsame Cilmi (Caarre) oo ka tirsanaa Saraakiishii Militariga Soomaaliya, ayaa waxaa uu maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, xilli muddooyinkii ugu dambeysayba uu ku xanuunsanaayay.
PUNTLAND POST
The post R/Wasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyey geerida Generaal Caarre appeared first on Puntland Post.